-
Rag sabaan ka sabaan baan
-
Samaantuun badiyaa
-
Haduu saakimi waayo
-
Sariir baan u dhigaa
-
Iska seexo idhaa
-
Haduu saakimi waayana
-
Caanihii hasha Suub baan
-
Saddex goor u lisaa
-
Ku sarriigo idhaa
-
Haduu saakimi waayo
-
Sumalkii rugta joogay iyo
-
Sogobkaan u qalaa
-
Haduu saakimi waayo
-
Siirigii Cadmeed baan
-
Subaggawga badshaa
-
Haduu saakimi waayo
-
Gabadh suurad wanaagsan baan
-
Surrada ugu dhisaa
-
Haduu saakimi waayo
-
Xoolo gooni u soofiyo
-
Sadadaan ku ladhaa
-
Haduu saakimi waayo
-
Seeddow, mood iyo mood iyo
-
Salaantaan badiyaa
-
Haduu saakimi waayo
-
Salaadaan lallabaa yoo
-
Meydal seedo madow iyo
-
Salligaan cuskadaa yoo
-
Sulub eebo ku joogtaan
-
Sarartaa ku dhuftaa
-
Sambabkaan ka baxshaa
-
Markaasuu sellimaa
Be First to Comment