Press "Enter" to skip to content

Saaxiibayaaloow

The largest online collection of Somali poetry

24 August 24, 2003 ayuu maansadan diiniga iyo dardaaranka ah Maxamed 
curiyey. Wuxuu yidhi isagoo dhaqankan xun ka hortagaya ka fiicana faraya:
 
· Sigaarka iyo jaadkiyo
· khamri lagu sarqaamaa
· saqaafaha habeenkii
· inaad saamaleyshaan
· ama maanka suulood
· darbiyada salaantaan,
· ood dumar salaaxdaan
· sumcad-xummiyo silac iyo
· dhaqan-suulay weeyaan,
· saaxiibbayaaloow
· mowd baa na sugayee
· salaadaha u sarakaca
 
 
· Sun weeyaan sigaarkoo
· sanka qaaca kaa bixi
· eed sahashaneysee
· saxansaxa udgoon iyo
· sagal kuula muuqdana
· sidayaasha-dhiiggiyo
· sambabuhuu waxyeelaa
· kansar seedda-hoosiyo
· saableyda beerka ah
· sifriyuu horseedaa,
· saaxiibbayaaloow
· mowd baa na sugayee
· salaadaha u sarakaca
 
 
· Waxaad jaad ku salashiyo
· waxaad bari sarqaantiyo
· waxaad leyl siyaaxdaba
· waxaad suxulka laabtoo
· dubaab kugu salcaamaba
· ama aad sawirataa
· samma-jeexayaal iyo
· saro loo suwaaqtago
· sakan lagu caweeyaa,
· saaxiibbayaaloow
· mowd baa na sugayee
· salaadaha u sarakaca
 
 
· Saban-hore waxaa jiray
· gabdha wada suleeqa ah
· gacan kugu salaameyn
· sarajoog rag uga kaca
· sawjiyo hannaankeed
· Soomaalinimo wacan
· raggoo sooryo dhiibiyo
· soddoh iyo xigaaliyo
· seeddi laga xishoodaa
· maantana sidey tahay
· waa lama sifeeyaan
· saaxiibbayaaloow
· mowd baa na sugayee
· salaadaha u sarakaca

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r