Press "Enter" to skip to content

Saafi Bulux Xirsi

The largest online collection of Somali poetry

  • Ismaaciil Saciidow ma tirin, aalladdii gabaye

  • Meeshiyo sidaad ii ogayd, aabo kama hayne

  • Afkaygii waxaan uga ceshaday, uurku taallada’ e

  • Adigu iyo Khaliif maansadii, or uma qaadaane

  • Aw-Jaamac iyo Geelle way, aga maraayaane

  • Cabdi-foolxun waa kaa askumay, toban ayaamoode

  • Nimankii isyaanada ahaa, eray ma sheegaane

  • Aqli baad lahaydeen haddaad, edeb samaateene

  • Erey waxaan ka idhi xaajo aan, oday ka sheekeynin

  • Erey kalana waa xaajadii, lala ilmeynaayey

  • Erey kalana waa Eebahay, midaan ka eegaayo

  • Erey waxaan ka idhi xaajo aan, oday ka sheekeynin

  • Iyadoo irmaankiyo lo’diyo, adhigu guulaayo

  • Iyadoo asqaran beeshu tahay, adhaxda jiilaalka

  • Waligood sidii loo askumay, Aadan iyo Xaawo

  • Ebid waxaan la arag ceelkan oo, la iska oodaaye

  • Erey kalana waa Xaajadii, lala ilmeynaayey

  • Geelleena ooddiyo dilkiyo, uli ma gaadheene

  • Biyihii Aloosane ku jirey, lagama oodeene

  • Afkaygoon arwaax kale lahayn, ugama oomeene

  • Isaaq maganti kuma dhaansadeen, toban ayaamoode

  • Ingiriis ma yeeline kuwii, na ublikeynaayey

  • Labadeena oday baa ahayd, ab u collowgaase

  • Arxan horaba noogama dhaxayn, aniyo Iidoore

  • Naga aarte nimankii garbaha, iinta ku lahaaye

  • Erey kalana waa Eebahay, midaan ka eegaayo

  • Illaahiyo asmada diinta iyo, udubka Jiilaani

  • Awbaahilaabiyo intaan, ehel wadaageynay

  • Awliyo dhammaanteed waxaan, u Alla dhaawoodey

  • Haddaan amarka Eebbaa hayee, nalagu soo oodin

  • Nabsi aan kollaba oolin waa, la arki doonaaye

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r