- Garbaa Maxamadoow lagu hadlaa laguna goohaaye
- Gebgeb hadalku iigama baxo iyo gees walba u roore
- Ragna gabayga waa wada tirshaa nin iyo gaarkiise
- Badh gunay ku doonaan intay gudun afaystaane
- Badhna waxaan gayiga joogin bay golaha keenaane
- Badhna godobta Soomaaliday gabi u fuulaane
- Anna maalintay ii gasho baan gogol ka sheegaaye
- Aan gorfeeyo caawana waxay gocatay laabataydu
- Warka xalay Galbeed iiga yimid waa gu’ noo da’aye
- Garaadlaawe mooyee naflahu waw gogobayaaye
- Gidigeedba Soomali waw gayaxay caanoode
- Nabadii guyaal iyo guyaal laga gayoon waayey
- Nabadii gudigii loo diraa gaadhi kari wayday
- Geeska Afrikaad xaajadii la isku gaagbeelay
- Arintii gumaysigu lahaa guba caruurtiina
- Kaaraha gurguurtiyo madfacuu geesigii mariyey
- Guulwade Siyaad iyo Rabbi baa loo gardaadsadaye
- Guuleedna waa mahadasan yahay gooshka maanta ahe
- Isagaba wixii loo galaad garan karaysaane
- Oo calanka guudkiisu yahay gaar umuu heline
- Soomaali baa u wada gurmaday gabi ahaanyeed e
- Gaashaanka Cumarkii hayiyo geesiyaa sudhaye
- Haddaan gacan la siin kama tageen gaalkii Faransiis e
- Aftraa geddaan odhan jiriyo goboladaydii dheh
- Ragbaa hadalka gowdhgowdhiyee gabi dhac maw diidday
- Ganataalaha halkii aan la rabay gow ma kaga siiyey
- Gaban kalan waa ciidamada guushu ku adkaatay
- Dhaaxay gumaysiga Amxaar ganafka taageene
- Wax dhaaxay gartii loo dhigtaba gole baneeyeene
- Kolkii Aadan gaashaan dhigii gacanta loo saaray
- Ragii geyey markii ciidankii iyo geeshkii loo tiryey
- Galdalooladii jiray markii gaydhka lagu deyray
- Mid war geeya mid u guura iyo gacal kolkuu waayey
- Gadhlis buu Amxaarkii ku yimid gaabiska ahaaye
- Gartood weeye maantaba inay nabad ku guuxaane
- Ka gol yimid haddii aan tu kale idin garwaaqsiiyo??
- Kolkay gaaskay soo direen laga gol roonaaday
- Guutooyinkoodii kolkii gumuc la leefsiiyey
- Goobtii la joogaba kolkuu gool ku dhalin waayey
- Galidii Toghdeer maalintii garabku naafoowye
- Gaadiid waxay soo direen ama mid gaashaaman
- Iyagoon gantaalaha qarxiyo gubitis loo yeelan
- Gacantaa Cadceed kaga dhigiyo geesi dhaarsanuye
- Kolkuu jananku gaagii ka hadhay gagida soo taagan
- Xoogeenan gaamuray kolkuu gowska irdhooday
- Gadhlis buu Amxaarkii ku yimid gaabiska ahaaye
- Gartood weeye maantaba inay nabad ku guuxaane
- Gal Dogob bay nafluhu moodayaan guul inuu helaye
- Siyaasado gun dheer yaa goluhu kaga gudoonsheene
- Hubku inuu inoo soo galaa looga gaabsadaye
- Godadkuu Maraykaan u qoday rag iyo gaddiidba
- Baarleef galkii lagu madhshay galin ka yaaceen
- Goday baan ka saaraye maxay guuto yari sheegi?
- Aftraa gedaan odhan jiriyo goboladaydii dheh
- Ragbaa hadalka gowdhgowdhiyee gabi dhac ma u diidday
- Ganataalaha halkii aan la ragbay gow ma kaga siiyey
- Gaban kalana waa Eebahay mid aan galiimaystay
- Allahayoow nin gaydh kulu qaba oo gooman baan ahaye
- Alahayoow gu’yaal badan ayaan galalafaayaaye
- Gurbaystiyo haweenkii ku koray Go’ay dhanaankeeda
- Galay baa la siiyaa dadkii gaananaan jiraye
- Siddii gabar intay doonanayd guuyo laga dhiibay
- Oo waayo loo guuray oo garac ka yaabaysa
- Ama geesi laga hiiliyey ooy gocoshadii hayso
- Ama aar gantaal qaba hurdadu waygu gabileeye
- Allahayoow gumaystaa ku hadhay goboladii qaar e
- Gobanimadii way kala dhimeen gaaladuu Yurube
- Gayigaan lahayn bay Amxaar gacan ku siiyeene
- Galab qudha ma joogeen hadduu gooni noo yahaye
- Waataan gorofta ceebeed ku raray gaayo alifley e
- Galinbay ka yaaceen dhulkay ganacsanaayeene
- Waa taan gaasaskoodii ka dhigay goosan weer helaye
- Waa tuu birgaydhku u go’ay gaajo iyo oone
- Gorgorka iyo waraabuhu ka dharag guduridoodiiye
- Garadarada ma qaateen haddaan Ruushku soo galine
- Caawana midbaan goconayaa gaban kalaan baanay
- Allahayoow gunimo waa xun tahay gaal ku dhaansado e
- Ma garowsni Eeboow inuu igu gabraartaaye
- Anoo geeshka aan heli karaa toban malyuun gaadho
- Oo calanka garabkayga sudhan gacan i siinaayo
- Waa ii garaad xumo inaan gibir u dhiibaaye
- Allahayoow go’aankuna adunbuu gooni kuu yahaye
- Guulloow waxaan kaa codsado galabta ha i seejin
- Garbo iyo Malaykaa qalbigu gaadh is lee yahaye
- Galadiid ayaamaan jeclaa geel ku dhalayeeye
- Oo labadii geed baan lahaa gacanta sii saar e
- Qabri Dahare galinbaa lahaa guusha maqashiiye
- Goglo iyo Bannaan baan lahaa daawo Garasley e
- Halkii nugulka goonida u ahayd gaararkii webiga
- Goonyaha Qalaafaan lahaa gacamada u jeexe
- Beeraha Godey baan lahaa cagafta gaadhsiiye
- Gaaskiyo batroolkan lahaa riigaga u geeye
- Macdantaa gadhoodhaan lahaa ganacso aashaaye
- Gaajada la dirir baan lahaa laysku gaylamaye
- Dhaqaalaha gabaabsiyey baan lahaa soo gadaal kiciye
- Garlowgube iyo Faaf baan lahaa guluf ka heenseeye
- God Cusbiyo Ganaaniyo halkaa geela lagu beero
- Gaaris iyo Wardheer baan lahaa ha isu guureene
- Gujun iyo Wajeer baan lahaa gaadhi wada saare e???
- Gubniyaal ka qodo baan lahaa godanka Ciideede
- Guraawe iyo Shibis baan lahaa gaardi ku cayaare
- Gunagada iyo Nogob baan lahaa geeshku ha is xidho e
- Gaashaan dhigeenaan lahaa samada gaadhsiiye
- Garaadaha maarshaal baann lahaa ha isku giijeene
- Dadkii kala go’doomaan lahaa meel isugu geeye
- Afrikadan guracan yaan lahaa howsha garansiiye
- Gumaysiga ka saar baan lahaa ha is gargaareene
- Siyaad ha u gudoonshaan lahaa gabi ahaantoode
- Gadhwadeen u noqo baan lahaa yaan lasoo galine
- Godiga Hawaas iyo Jigjiga Adari guudkeeda
- Gindhidh waxa kasoo rogan anay gabantu ii taale
- Xidigtaa shan geeska ahaan lahaa wadar u gaadhsiiye
- Haddii labada geesood xornimo laysu wado guuro
- Kuwan guura bahalaynayaa gacan ma qaadeene
- Soomaali kala geeyaha iyo kii la garan waayo
- Intaad geed ku xidhataan lahaa toogo galabtaase
- Jabuutina intay gaar noqdaan nagama goosteene
- Waxaan ahay nin garab daar leh oo gaado weyn jira e
- Hashey gaagaxsheen baan rabaa gorof u aabeeye
- Intuu Gabiyoow iyo ciidankiyo geeshku na hogaansho
- Gumuc lagu helyaa iyo si kale loo garbixiyaaba
- Geediga dhow baan doonayaa inaan ku guuraaye
- Allow nagu gargaar maanta waa go’bodii weynayde
Be First to Comment