Press "Enter" to skip to content

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka

Minnesota(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaas.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa inta uu joogo Minnesota waqti la qaadan doona bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan, isaga oo warbixin ka siin doona xaaladda guud ee dalka, horumarka laga gaaray dhinacyada kala duwan, sida amniga, dhaqaalaha, la dagaallanka Khawaarijta iyo dadaallada dowladda ee dib u dhiska, nabadeynta, iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r