Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Ciraaq, kuwaas oo dalka u yimid sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyo sidoo kale horumarinta maalgashiga gaar ahaan meelaha muhiimka ah sida kalluumeysiga, tamarta, beeraha iyo xoolaha.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga Ciraaq ayaa isla gartey in labada dowladood ay xoojiyaan wadashaqeyntooda, si loo helo fursado ganacsi iyo horumarineed oo dheeraad ah, loona ballaariyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r