Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka qaybgalay xuska 65-sano guurada xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha 

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa muujiyay muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed, isagoo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu ku dhisan yahay saaxiibtinimo qoto dheer, ixtiraam madaxbannaani, is-fahan iyo iskaashi faa’iido wadaag ah.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tan iyo aasaaskii xiriirka diblomaasiyadeed sanadkii 1960-kii, labada dal ay wada joogeen marxalado kala duwan oo isbeddello gobol iyo kuwa caalami ah, isla markaana Shiinaha uu mar walba ahaa saaxiib ay Soomaaliya leedahay oo taageera mudnaanta Qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay taageerada Shiinaha ee dhowaan ay ku dhawaaqday dowladda Waddankaas kaas oo ah hal milyan oo doollar oo loogu talagalay gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay, isagoo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa garab istaag dhab ah iyo saaxiibtinimo fog.

Munaasabadda Waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, Qaar ka mid ah Danjireyaasha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Marti sharaf kale.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r