Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xalay la kulmay bulsho ka kala timid degmooyinka Magaalada Muqdisho, isaga oo kala hadlay muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashada loo madlan yahay ina y ka qabsoonto caasimadda 25-ka bishan.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa bulshada ku boorriyay inay qaataan kaarka codaynta, si ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, una gutaan waajibaadkooda muwaadinimo, isagoo xusay in dowladdu ka go’an tahay xaqiijinta doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda jawi ammaan ah.

Dhankooda, shacabka la kulmay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahad celiyay dowladda hawlaha la xiriira diyaarinta doorashooyinka iyo sugidda amniga Magaalada Muqdisho, iyagoo muujiyay kalsooni iyo taageero ay u hayaan dadaallada socda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS waxaa qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) iyo masuuliyiin kale.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r