Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimillada (COP30)

Belem(SONNA):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Belem ee dalka Brazil, isagoo khudbaddiisa ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbeddelka cimilada.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r