Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka hadlay shirka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada

Doxa-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka hadlay kulan looga hadlayay Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Dawladda Ingiriiska iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Meertada labaad ee shirkan oo lagu qabtay magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa waxaa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo adeegyada daryeelka bulshada iyo taageerada qoysaska nugul, si loo dhiso bulsho adkaysi leh oo ka jawaabi karta caqabadaha dhaqaale iyo bulsho.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, ayaa xusay in barnaamijkan uu door muhiim ah ka ciyaari doono yareynta saboolnimada iyo kobcinta isku-filnaanshaha qoysaska.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r