Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo xilka u kala wareejiyay Wasiirrada Ganacsiga

Muqdisho (SONNA): –  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Wasiirkii hore mudane Maxamuud Axmad Aadan (geesood).
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub, in uu la yimaado, hufnaan shaaqo, isaga oo Alle uga baryay inuu u fufudeeyo Masuuliyadiisa, dhanka kalena waxaa uu ku amaanay Wasiirkii hore shaqadii wanaagsaneed ee uu soo qabtay Muddadii uu Joogay Wasaaradda.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Waaaaradda Ganacsiga ay kamid tahay Wasaaradaha hal-boolaha u ah dalka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go,antahay sidii Dalkaan Warshadihii uu lahaa dib loogu soo celin lahaa.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r