Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad oo furay munaasabad lagu xusayay maalinta Dalxiiska Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee XFS Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maanta furay munaasabad lagu xusayey maalinta Dalxiiska Soomaaliya, ayaa sheega in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisay adeegyada dalxiiska iyo horumarinta kaabayaasha dalxiiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in dalxiisku yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha dalka, kor-uqaadista xiriirka Bulshada iyo Caalamka iskaashi joogta ah lala yeesho gaar ahaan urur goboleedka Bariga Africa iyo IGAD.

“Dalkeenu waxaa uu leeyahay kheyraad dabiici ah iyo dhaqan soo jiidasho leh, Xukuumadda Danqaran waxaa ay dhiirigelinaysaa maalgashiga Kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, Dekedaha, Amniga iyo dhammaan adeegyada taageera Dalxiiska”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ugu danbeyn bogaadiyey howlwadeenada ka shaqeeya arrimaha Dalxiiska dalka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r