Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha Sucuudiga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga Carabiya u fadhiya Soomaaliya mudane Axmed bin Maxamed Al-muwalad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo labada masuul ay isku raaceen adkeynta iskaashi ku qotoma amniga, dhaqaalaha, iyo mashaariicda horumarineed.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya garab-istaagga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r