Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka bulshada rayidka ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee bulshada rayidka ah ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, xoojinta nabadda iyo kobcinta maamul-wanaagga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tilmaamay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay dhagayso talooyinka bulshada, lana dhiirrigeliyo ka qeyb-qaadashadooda geeddi-socodka siyaasadda, maamul-wanaagga iyo horumarinta dalka.

Mudane Saalax, ayaa uga mahadceliyay hoggaanka bulshada rayidka ah doorkooda muhiimka ah, isaga ku boorriyay in ay sii xoojiyaan kaalintooda wacyigelinta arrimaha muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r