Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo kormeeray qaar ka mid ah hay’adaha dowladda

Muqdisho (SONNA): R’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo ku guda jira kormeer lagu hubinayo shaqada xukuumadda, ayaa maanta kormeeray Wasaaradaha Shaqada, Xanaanada Xoolaha, Batroolka, iyo Gudiga Shaqaalaha Rayidka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa Wasiirada Wasaaradaha iyo Guddoomiyaha Gudigga Shaqaalaha Rayidka ka dhageystay habsami socodka shaqada, xaadirinta shaqaalaha, fursadaha, iyo caqabadaha jira.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mar kasta loo baahan yahay in la kor joogteeyo shaqada dowladda. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa soo bandhigtay fursadaha shaqo-abuurka ee hadda socda, iyadoo xooga saaraya in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan fursado wanaagsan.

Kormeerkaan ayaa ah mid lagu kor joogteynayo shaqada hey’adaha dowladda ee u hayaan shacabka Soomaaliyeed, si loo ilaaliyo isla xisaabtanka xukuumadda iyo adkeenta shaqada dowladda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r