Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul wasaaraha XFS oo si diirran loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Dhuusamareeb(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeybgali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, oo sannadkan diiradda lagu saarayo arrimo la xiriira siyaasadda, amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.

 

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r