Press "Enter" to skip to content

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Dr Axmed Ibraahim Nageeye, Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran ee Tacliinta sare ee Xukuumadda JFS.

Golaha Wasiirada ayaa horay u ansaxiyay xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, kuwaas oo ka koobnaa 15 xubnood.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa si weyn u bogaadisay magacaabista guddiga iyo taabbagelintooda.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r