Press "Enter" to skip to content

R/Wasaare Xamsa oo K/Galbeed u magacaabay maamul ku meel gaar ah

Muqdisho.SONNA… Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray digreeto uu ku magacaabayo hoggaamiye ku meel gaar ah oo sii wada howsha maamul ee Koonfur Galbeed.

Wareeftadaan ayaa waxaa R/Wasaare ku xigeenka labaad Mudane Jibriil Xaaji Cabdi Rashiid cabdi si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu noqdo hoggaamiyaha maammulka KMG ah laga bilaano kowda bishaan Apriil.

Wareegtadaan oo ka soo baxday xafiiska R/Waaraha JFS ayaa loo cuskaday qodobadaan soo socda:-

In la daboolo baahida loo qabo sii socoshada howlaha maamul ee K/Galbeed.

In la ilaaliyo xasiloonida siyaasadeed.

In la tixgaliyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo hoggaan KMG ah oo suga amniga guud ee shacbiga

Maamulka ku meel gaarka ah ayaa mudada uu hayo xilkaasi waxaa uu qaban doona ama u howlgali doonaa sida soo socota:-

Sii wadidda adeegga dowladeed eel agama maarmaanka ah.

Dardargalinta wadatashiyada ku aadan doorashada qof iyo codka ah inta lagu dhameystirayo dowlad goboleedka K.Galbeed Soomaaliya.

Diyaarinta iyo hirgalinta hannaanka kala gurka ee waafaqsan dastuurka dalka

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r