Muqdisho.SONNA…Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka JFS Saalax Axmed Jaamac ayaa soo xiray shirkii Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga,kaas oo muddo 4 cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo ay martigalisay Dowladda Soomaaliya waxaa ka qeybgalay gunaanadkiisii Wasiirka Waxbarashada XFS,Mudane Faarax C/Qaadir.Waiir ku xigeenka Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlad Deegaanka Soomaalida Salaad Dhagar Yuusuf,Cali Afeey oo ah ergay ka socday Dalka Kenya iyo marti sharaf kale.
Shirkaan oo ay soo xaadireen guddigga Akadeemiyad Goboleedka Afka Soomaaliga waxaa looga dooday horumarinta iyo tayeynta afka soomaaliga,xoojinta cili barista afka, iaalinta hiddaha yoi dhaqanka iyo sare u qaadidda wadashaqeynta dalalka ku mideysan akademiyadda AGA.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka JFS Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u soo xiray shirkaasi,iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed ku aadan qorshaha akademiyada ee mudada 3 da sano ee soo socota.
Waxaa kaloo xafladdii loo sameeyay gababagadii shirkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga Macallin Siciid Saalax iyo Guddoomiye ku xugeenkaIsmaaciil Cabdi Axmed.



Be First to Comment