Press "Enter" to skip to content

R/wasaaraha XFS oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda

Muqdisho,(SONNA):- Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nur (Americo).

Ra’isul wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Shaqaalaha Dekadda Muqdisho oo horumar balaaran ka Sameeyay howlaha kala duwan ee ka socda Dekadda, isaga oo si gaar ah ugu hambalyeeyay in ay kaalinta Kowaad ka galeen Dekadda ugu wanaagsan ee Bariga Africa, sidoo kale ay kaalinta 4-aad ka galeen Dekadda ugu horumarsan qaarada Africa.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r