Press "Enter" to skip to content

R/ Wasaaraha XFS oo saaka Muqdisho ka daah-furay tartanka Orodada ee Marathon-ka

Muqdisho.SONNA…R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa saaka Magaalada Muqdisho ka daahfuray tartanka Orodada gaaban ee Maaratoonka.

Tartankaan oo loo agaasimay si heer sare ah waxaa ka qeybgalay dhallinyaro badan,iyadoo munaasabadda tartanka ay soo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Dr. Khadiija Maxamed Daahir ayaa tiri “Tartanka orodka Marathon-ka waa tartan furan, waxaana ka qeyb galaya 300 dhallinyaro ah oo ka kala yimid gobollada Dalka.

Qaar ka mid ah ciyaartooyda saaka ka qeyb galaya tartanka orodka gaaban ee Marathon-ka ayaa ka warbixiyay diyaar-garowga ay soo galeen iyo waxa ay ka rajeynayaan tartankaan.

Ujeedka tarankaan ayaa ah in la soo gabagabeeyo  munaasabadda Toddobaadka Horumarka  Ciyaaraha iyo Nabadda.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r