Press "Enter" to skip to content

R/ Wasaaraha XFS oo la kulmay xubno haween ah oo ka socday ururada bulshada

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah haweenka Soomaaliyeed oo matalayay ururrada bulshada, haweenka hoggaanka iyo hay’adaha amniga ku jira, Waxaana kulanka looga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga, dowlad-dhiska iyo ka qeyb-galka doorashooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay haweenka kaalinta ay ka qaateen nabadeynta, dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo xusay in aan la gaari karin dowladnimo waarta iyo nabad joogto ah haddii aan haweenka la siin door muuqda oo go’aan-qaadasho ah.

Haweenkii kulanka ka qaybgalay ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha taageerada joogtada ah ee uu siiyo xuquuqda haweenka, waxayna ballanqaadeen inay sii xoojin doonaan doorkooda dhanka nabadda, midnimada iyo horumarka qaranka.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r