Press "Enter" to skip to content

R/Wasaaraha XFS oo la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale

Muqdisho.SONNA…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore Mudane Shariif Sh Axmed ,xilli loo madlan yahay shirka wadahadalka dowladda iyo Golaha Mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa booqashadiisa waxa ay qeyb ka tahay niyad wanaagga madaxda dowladda ku wajahayaan dadaalada lagu abuurayo jawi kasta oo keeni kara in dalka lagu sii waso xasillooni waara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray in gogosha dowladda ay mar kasta fidsan tahay, albaabka madaxdana uu furanyahay, muhiimna tahay in dhinacyada lagala fariisto xal-u-helista arrimaha taagan, si dalka uu horey ugu tallaabsado, loogana xoreeyo cadowga Khawaariijta, meelna looga soo wada jeesto faragalinta dibadeed ee lagu sameeyay gudaha dalka.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xubin ka ah Golaha Mustaqbalka.

 

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r