-
Rag qabiilo weyn iyo gobbaan, soo qareensadaye
-
Iidoorka qaylkiisa xumi, iguma qooqeene
-
Nin qisaasi keentaan ahaye, qadaw ma joogeene
-
Inaan qoorta laadlaadiyoon, quustay la i moodye
-
Waa badan qabiil liicay oo, soo qandoodsadaye
-
Qabniyo xoog qaddiimadiyo faro, qiimi lagu kuunyo
-
Qudh la gooyey qaafilad la dhacay, qaad la kala hoyiyey
-
Xeryo qaawan qayrooyin badan, qani la caydheeyey
-
Qaadhkiisa geel lagu surmiyey, qori sagaalley ah
-
Dhaaxey qabiilana dhaceen, qolana riixeene
-
Ma qaddiimad meerin tolkay, waliba waa qaare
-
Qaafada Ammaadin iyo Caamir, Qulul u soo guurye
-
Qarrigii ka yimid Maalinguur, qoofalka ahayde
-
Qudhicii Sabsabanuu Ugaas, Qayradii furaye
-
Qorraxeyda weyn Keenadiid, qaarkii baa yimid
-
Qabridaharre Faraskoodu waw, qoob aroor tagaye
-
Xiddigii qalloocnaa wa kaa, soo qummaatiyey
-
Qoodhay iyo xeraday inuu, qiil idiin baxaye
-
Ha ka quusanina Eebahay, qaan ma duudsiye e
-
Qorbaase aniga ii dheer, wuxuu qabo Ogaadeene
-
Way lay qulquladeynayaa, haydin qoonsade e
-
Ana sida duq qadaw laacin baan, qulubsi luudaaye
-
Qiil baan u haystaa hadday, igu qalloocdaane
-
Intaan qoriga weyniba i mudin, qodaxdu way laynin
-
Qarni horre Bidhiidh suu lahaa, way i qabataaye
-
Qudhaanjaa u yare meel hadday, kugu qaniinayso
-
Qaarkeed habeenkaas hurdada, kaaba qadiyee e
-
Ninkii gob ahi wuu qoomamayn, qawl xunuu yidhi e
-
Ama wayska kay qabanayaa, iima quudhaba e
-
Qanjaafila gumeedkaan afxumo, iga qarraaceyne
-
Kolba kii qunbiyo nayl wataa, way qallacayaaye
-
Dhaaxaad sidii qabay dhanaan, noo qudhqudhiseene
-
Kolkan qayriddiinnoo jabtaa, waydin qabataaye
-
Allahayow qilaaf idin dhexgali, qoysba dhan u rooro
-
Qoof Eebe wuu badan yahaye, kolaad qamiisoodowdo
-
Rabbi qoorta kuu gali wuxuu, qabo Ogaadeene
Be First to Comment