Press "Enter" to skip to content

Qurbe Kuma Nagaadeen

The largest online collection of Somali poetry

Tixdaan gabayga ah waxaa curiyey Cumar Cabdinuur Nuux 07/05/02. Waxay ka hadleysaa dhibaatada qurbaha, qarankeena dumay dhibka ka dhashay iyo ragga wali ku qaraabanaya qabiilka.

  • Qaran dumay dadkiisaa dhamaan qaxar asiibaaye
  • Qaxii Xamar kadhacay waad ogtiin qulub wixii yaaley
  • Qolo qolo kusoo duushay iyo qolo ku sii duushay
  • Qiyaamaha wixii lagu matalay qac iyo baaruudda
  • Qardojeex waxaan soo maraan dibu qiyaasaaye
  • Qisadeedu waa dheertahaye yara an sii qaado
  • Qurac iyo mareerkiyo wixii laan iqabaneysay
  • Hadba buur qarfaa iyo waxaan waadi qaadaayey
  • Marna keymo qoofalan maryaha qaarba dacal jeexay
  • Qolofdhaca cagaagii waxay qodax innaafeysay
  • Qoloonkiyo biyaha qura waxaan quud kadhiganaayey
  • Intaasoo qatooyiyo dhibiyo qax iyo aafaad ah
  • Qurbe uma hayaameen haddaan qaran nabdoon heysto
  • Qaaraddii madoobeyd markaan qiil u bixin waayey
  • Qolo dibadda joogtaan kahelay qabasho dheefeede
  • Waxaan sii qaloombiyo waanigaan qaarad kale jooga
  • Inkastoo Qaxii iga haroo yara qaboobaaday
  • Oo qaddarka Eebahay cidina qoonsan karaheynin
  • Qurbe kuma nagaadeen haddaan qaran nabdoon haysto
  • Quruum aanan garaneyn guryaha qolo ma seexdeene
  • Qamandhaco jirkeyguna in badan lama qaloodeene
  • Qosolkiyo farxadda waayo badan kama qatoomeene
  • Anigoon wax qabankarin indhaha kama qashuuceene
  • Qamuunyiyo is ciil ciil haddana qosol maraacsheene
  • Qisadeydu waa dheertahaye qaarkale an sheego
  • Magaalada haddii aan qabtoo laamiga anqaado
  • Saanqaadka socodkaa lagaran qoomka aan ahaye
  • Qowl markaan iraahdaa nafluhu qosol laseexdaaye
  • Qobka diirka ayaa iigu filan inay iqoomaane
  • Qaxootiga wixii iga qabsaday yara an sii qeexo
  • Quursiga waxaa kaaga daran qadafka joogtaahe
  • Dhaqankiinu waa qaasiroo diintu waa qalade
  • Qoysaska waxaa loo dhaqaa qaabka reer yurube
  • Qamiiskiyo maryaha aad qabtaan waa wax qaabdarane
  • Qolol haysku xirinee baqtiga qooshta dhinaciinna
  • Intay qarinayaan baa kadaran qowlka hadalkooda
  • Halahaas qisooyinkii dhiciyo qarow abwaaneed dheh
  • Qurbe nimuu waxyeelleeyey iyo maanso quruxdeed dheh
  • Halakalana qubxis been ahoo rag ku qaraabtaan dheh
  • Qabqablaha dagalkee kidbiga qolokastaw sheegay
  • Toosh aan kusoo qabanayiyo qalin masiibaa dheh
  • Qabiil baa na laayeey in badan qiil kadhigayeene
  • Qallaafiyo Hawaasay iyana shirar ku qaataane
  • Qolo qolo makala laha intaas waa qayilayaane
  • Qosolkana waxaa loo mudaa duul qaraaba ahe
  • Ninka qaba sidii dumarka bay amar ka qaataane
  • Sambabadu intay wada qarxaan qufac ha daataane
  • Sow beentii qorrax kama caddaan qaranka naafeysay?
  • Qori iyo gantaal bay la dhicin qolo masaakiin ah
  • Qafaalkuna mareebana hadday quud kuhelayaane
  • Qurqurada waxay ugu hayaan dhiig qabow badane
  • Qanjir iyo waxay nagu noqdeen cudur an qaadeyne
  • Sambabadu intay wada qarxaan qufac hadaataane
  • Qaniinyada sidii bahal wax cuna qolodu saw maaha?

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r