Press "Enter" to skip to content

Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS  Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ( Drainage System) ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muddada shirka uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay qorshaha iyo naqshadda wadooyinka gudaha garoonka iyo dhismaha nidaam bulaacado oo tayo leh, si loo xoojiyo bilicda, amniga iyo habsami u socodka adeegyada garoonka.

Sidoo kale, Mas’uuliyiintu waxay isla garteen muhiimadda uu mashruucani u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sare u qaadista tayada adeegyada Garoonka diyaaradaha, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay hirgelinta Mashruuca Nagaad oo ay taageerayso World Bank.

Shirka, sidoo kale, waxaa ka qeyb galay Maareeyaha Garoonka Mudane Cabdinaasir Gurey iyo Maareeye Ku-xigeenka Mudane Daa’uud Axmadeey, iyo sidoo kale Agaasimayaasha Waaxaha Qorsheynta iyo waaxda Horumarinta Garoomada Diyaaradaha.

Waxaa kaloo qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’ada UNOPS.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r