Press "Enter" to skip to content

QM oo ka walaacsan xukuno dil ah oo ka dhacay Soomaaliya

New York — Qaramada Midoobay ayaa Talaadadi shalay ugu baaqday Dowladda Soomaaliya, in ay carruurta ka yar da’da 18-ka sano ee lagu xakumo dilka toogasho aanan lagu fulin ciqaabtaasi.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubaysan, iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta, ayay ku sheegeen in ay aad uga walaacsanyihiin isla markaana ay si adag u cambaareynayaan xukun dil ahaa oo 17-kii bishi na dhaaftay ee August ee sannadkaan 2024-ka lagu fuliyay afar dhallinyaro ahaa, taas oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Dhallinyaradaasi da’da yaraa ayaa lagu helay danbiyo ay galeen inti ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Dhammaan afarta wiil ee dhalinyarada ahaa ee la toogtay ayay da’doodu ka yareeyd 18 sano, xilliga ay dambiyada galeyeen sida ay xaqiijiyeen guddiga xaqiijinta da’da ee Puntland.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa bayaankooda ku sheegay, in maamulada Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xasuusinayaan, in Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta iyo sidoo kale Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, ay dhammaan ku qeexan yihiin, in ilmo uu yahay qof kasta oo da'diisu ka yar tahay 18.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo dhammaan carruurta ku xiran xabsiyada, isla markaana loo gacan geliyo Qaramada Midoobay si carruurta looga taageero dhaqan celinta.

 

Comments are closed.