Press "Enter" to skip to content

Qawdhan Ducaale

The largest online collection of Somali poetry

Dagaalkii Dhurwaale ee Reer Isaaq (Ogaadeen) iyo Ciidagale (Isaaq) ku hardameen hase yeeshee guushu ku raacday Reer Isaaq ayuu Qawdhan Ducaale gabaygan ka tiriyey. Wuxuu gabayga ugu calaacalyaa uguna dano-sheeganayaa Isaaq intiisa kale oo uu ku leeyahay Ciida Gale jabyee birmad si deg deg ah noola soo gaadha. Allaha u raxmee wuxuu yidhi:

  • Waayadanba Dhuu baan xidhay oo, dheg uma noolayne

  • Anuunbaa dhabriiraye ragii, waa dhalasho raacaaye

  • Maan gabay dharaarta iyo dayaxa, dhayda ka cadeeyo

  • Abtirsiimo lama dhumiyee, dhamacda maan oogo

  • Maan dhamaan Isaaq kula dhex dhaco, waa dhambaal culuse

  • Dhalinyarada Reer Nuux col, waa looga dhaar maraye

  • Dhaxal eego mooyee ma laha, dhiiranaan ficile

  • Haduu dhirranaa Reer Shirdoon, naga dhawaafeeye

  • Ina Buux haduu nagu dhawyahay, naguma dhawreene

  • Dhamalqaylo nimanka u dhashayiyo, dhirif Makaahiile

  • Reer Samatar waa dhacan yahay, oo dhiigse laga waaye

  • Waxa dhaboolaqa lagu teediyaa, dhiisha ceebta ahe

  • Dhuxdhuxlaynta Reer Fiqi Cigaal, haygu dhiriyeene

  • Goortay dhafoorada jabshaan, haw dhiseene aqale

  • Dhabbaan ku hadlayaa Reer Baniin, dhididi maayaane

  • Waadhidii dhextaal iyo bankii, Dhedibba loo diidye

  • Meeshiyo dhallaannimo col baan, Dhuungalaw xigaye

  • Dhakhsaan uga gigilanoo anagaa, dhiifin cadawgaase

  • Arab wuxu ku dhaantaynayaa, dhaawaca nagu yaalle

  • Dhacamuhuba ways tiiriyaan, dhawrta celiyaaye

  • Dhiigii Dammuun buu Sammane, soo dhufanayaane

  • Idinkuba dharaartii Ballaadh, waydun dheregteene

  • Waataydun dheeraadka iyo, dhicirta layseene

  • Dhanka Bari haddaannaan degeyn, maydun dhaqateene

  • Maantana miduun ugu dhaqsada, dhibiya ehelkeede

  • Habar Yoonis dhudaheeda badan, waysu dhawnahaye

  • Nin walaalkii soo dhinac degoo, dhiirran baan ahaye

  • Isaxaaqna dheeraadku waa, xeerki noo dhacaye

  • Ugaadh Cumar dhawaaqaan u diray, dhoobey warankiiye

  • Muuse Cabadalli dheen fadhiyey, waa kan dhiidhiyaye

  • Dhirta Maydhisaar meesha iyo, dhinaca Buhoodle

  • Dhar casti Laan-Mullaaxiyo raggaan, dhawrayaa imane

  • Kol haddii dhawaaqa iyo dilkiyo, dhagartu weynaato

  • Oo ficilku dhegahooda galo, way ka dhididaane

  • Kama dhawrsadaan abid hadii, uu dagaal dhaco’e

  • Dhiigyacabbadii Habar-Jeclaa, dhaanka soo rarane

  • Dhulbuteeye waan galin hadaan, dhiman Xigaalkay’e

  • Eray kalana waa Ciidagale, midaan ku dheereeyey

  • Sheekh Yuusuf waa laga dhabqay, ee dhab u siyaareeya

  • Culimada wankii dhaban leh iyo, dhebi-cadkaw sooca

  • Dhooriyo sidii Keenadiid, dhiiga soo celiya

  • Oo geeri waa loo dhashee, dhixirka uun diida

  • Ka dhegeysan maynee fulaha, dhoosha ka adkaysta

  • Dhulkana waa la kala boobayaaye, udubka dheereeya

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r