Muqdisho — Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho, ayaa shalay marki ugu horreysay laga fuliyay qalliinka wadnaha furan, kaas oo ay dadka Soomaalida intooda awoodda ay u aadi jireen dibadda.
Qalliinnadi u horreeyay ayaa waxaa lagu sameeyay laba canug oo yar yar oo Soomaali ah. Waxaana fuliyay dhaqtar u dhashay dalka Talyaaniga.
Mashruucan ayaa waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adda samafalka ee Hormoud Salaam Fundation iyo Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho. Haddaba, arrintan ayuu Cabdulqadir Samakab ka wareystay, Cabdulaahi Nuur Cusmaan oo ah gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation.
Comments are closed.