Mar kale oo uu gabay dhinaca Isaaq u diray waa kii lahaa waa inta aan hayno ee:
-
Iidoor qardoofaan lahayn, tan iyo Qaabiile
-
Qasrigaasu waw kala xidhnaa, qolada Daaroode
-
Waxaanse qoodhihii jaray, markaan Qaar-cayuun idhiye
-
Ma kitaab Quraanaan ka dayey, qeexanaa hadalku
-
Hadda uu qaliil kama baxoow, qeyd macaash yahaye
-
Hadda uu qar ooddan iyo sool, qaali mariyaaye
-
Hadda uu qaraamaad ka guran, qollada Hiiraane
-
Hadda uu qashwado fool xun iyo, quluc biyeystaaye
-
Hadda uu quddaha leefayaa waa, qorqodihiiye
-
…
Markii kalana waa tii laga soo wariyey:
-
Milix keentayaa iyo adhyaha, marin ka doontaaba
-
Macaluul wax kagama dhintaan, macawisaalowe
-
Malax badane siddii Moor garba la’, min isku heeryeeye
-
Mantag celiye miir daaca-qudhun, kala musbaaxayste
Be First to Comment