Press "Enter" to skip to content

Qaadow Adigaa leh

The largest online collection of Somali poetry

Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh

Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh Qalbi qooqan qoodha aan waxtarin qaadow adigaa leh Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh Qashin iyo qashaabiir qudhmuun qaadow adigaa leh Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh Qur’aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh Qanaaskiyo waswaaskaa qarsoon qaadow adigaa leh Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh Qubays laga wahsadiyo dhidid qudhmuun qaadow adigaa leh Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh Qabsimadu inay kala xidhmaan qaadow adigaa leh Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh Qofka daa’imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh Qaadicu salaadnimo qasad ah qaadow adigaa leh Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 120 seconds

T a a g e e r