Press "Enter" to skip to content

Ololaha Doorashada Somaliland oo si rasmi ah u bilowday

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ay wehelinayaan Guddida Hawlgallinta Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda Somaliland ayaa maanta madaarka magaalada Hargeysa ka soo dejiyey waraaqaha codbixinta (ballot papers) ee doorashada madaxtooyada iyo tan xisbiyada qaranka ee bisha danbe.

Sidoo kale, magaalooyinka iyo degmooyinka Somaliland waxa maanta ka bilowday ololaha doorashooyinka madaxtooyada , xisbiyada iyo ururada siyaasadda oo ka kooban 7 urur siyaaseed iyo 3 xisbi.

Warkan Waxa magaalada Hargeysa ka soo diray Wariye Xamse Cali Jeesto.

 

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa ka hadlay adkaynta nabad-galyada iyo in la raaco nidaamka guddiga doorashooyinku u dajiyeen ololaha doorashada.

Warkan waxa Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

 

Comments are closed.

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r