Press "Enter" to skip to content

Odoros

Gabaygan qiimaha badan abwaanku wuxuu badankiisa kula hadlayey uguna digayey Itoobiya. Wuxuu ka mid yahay gabayada uu wax ka badalay Cabdullaahi markii uu ka quustay dawladii Maxamed Siyaad ee uu dalka ka goostay. Wuxuu yidhi madaxiisa Allaha daayee:Hal-abuurka maansada ninkii, aadba garanayaaMar haddii aftahan loo yaqaan, amuu abwaan sheegtoWax if jirra wax aakhiro jirriyo, waxaan la eegaynbaWaa inuu ogaadaa sidii, uurkubaalaha eAfar-iyo-lixdankii anigoo, Eebe dhaawanayaAsgaruhu dhawaan ha is arkeen, waanigii idhiyeAyaantaa ayaantii xigtay baa, laysla oogsadayeAjal dhimatay waatay xigtiyo, aalad qaraxdaayeHaddaan eegay eegana waqtiga, amaan ilaaleeyeySiddii ay dharaartaa ahayd, waw ekoontahayeAadmiguna wuxuu aawilaa, dhaaxba la arkaayeCol iyo dhaanba inay kaaga iman, dhannaad u iilaysayOdayadii dhintaa sheegay iyo, aaqiliin hore eAmin soo socdaan wuxuu ahaan, waadodorostaayeInta badan aqoon gaabantii, aan u ergaynaynayIlyar gabagabay taagan tahay, waana eberkoodeAweytina aan sii raaciyee, ududsan maayaaneInaguna arimahaan wadniyo, uruursanaanteenaInshaa Allaahu Soomaaliyey, waynu aargudaneAbshir baaba ii muuqatiyo, guul agteena aheWax soo aadan kheyr Eebahey, noo abaabulayeAmmuur weeye laynoo aqbali, oo ijaabo leheAllahu akbar waxaan haysanaa, diin awood badaneIslaanimada awgeed Kufriga, waynu ka adkaaneAshahaado ruuxii cuskada, amase iimaan lehGaal uraayaa kama il helo, oo iblays uhuyeAayado caddeeyaa jiroo, taa Allaa yidhiyeWalow aan sidaa aaminiyo, idam IlaahaybaEebada markii lagu darey, na anfacaysaayeGeelii irmaana markii, oonka lagu daayeyEe qaalintii igadh ahayd, oloshay ee reentayInankii yaraa waysagii, uubta dheer qodayeDabeedna Araweeluu ku dilay, uumiguu shidayeXaajana hadday awdantoo, talo asheedowdayAynigaana wixii aad lahayd, adiga kuu diidoErgo iyo asluub iyo haddaad, aayar kaga weydoAshkatiyo adeertaba haddii, lagaga ay waayeyAsxaan diid inuu yahay markaad, dhab u ogsoonaatayItaal iyo sidii kuu eg, waa inaad la aadaayeOo wuxuu abaalkiisu yahay, lala abaaraayeAblaydana tus ileen waa kii, tuuray aaqibo eOogadiisa waa inaad gubtoo, arami gaadhaayeAdoo umalsan goortuu arkoo, aano gudanaayaIstaaqfurulaa waa inuu yidhaa, edebna yeeshaayeNabadda anbatana waa inuu, iib ku daydayo eIntaasi wayga arartii sokiyo, oodo dhacameedeUjeedada shishiyo waa inaan, ubucdii jeexaayeDadkayaga adduunyada dhaqdiyo, beerta ka aslaaxdaArdadii magaalooyinkiyo, aaddanoow shicibkaIyagoo hawlahoodaa watoo, aanay noo imaninArtaleerigaan haysaniyo, aarmigaan sidanoIyo ciidamada loo unkiyo, xooggii la aasaasayAbtirsiga dagaalkana la baray, oo arma aqoon ahCalankana axdigii ay mareen, ugu adeegaayaAsalna geesinimada u dhashoo, sidii awowgoodaAskar saas ah baan leenahoo, aad u miidhan aheUtunna waaban kuusii qabnaa, aamanuu sabaneEediyo qolloocaan wax badan, kaa ebhinaynaayeEeqooyinkii horre raggaa, kugu arqoofaayaEed uus-xabaashaan nahaye, aara doonka aheOnkod iyo hillaciyo intaan, uuro soo kicinoXabbad lagu asqoobiyo intaan, ololba soo tuuroAlaab waxaan ka hayniyo intaan, Idibal soo daynoBoodhkiyo awaaraha intaan, awdo samadoo dhanArgagixiso weyn iyo intaan, mawjadda afuufnoGummuca aalanaaxdiyo ka weyn, awrta madaxeedaUsgag badan lahaataye intaan, idinku aafaynoAsuushiyo intay garashadii, idinka aynfaadoHaddii aadan Amxaarow, Qarbiga oohin kula yaacinEygaa Maraykana haddaydaan, aqalada u xaadhinIngiriis haddaydaan u tagin, sidda ugaaskiiniiArligayga daayoo haddaydaan, tiinii ka abraarinAddis iyo haddaydaan Shawaba, orod kusii dhaafinUndurbaan haddaydaan wax badan, Laaji ku ahaaninAmaydaan ag tagin Kenya, waa ina-adeerkiineIyana waa uduufee haddaanay, kuu arxami waayinMalaayiin unuun go’an haddaydaan, aydan kaga dhoofinOmoska dhaawicii yiil haddaan, boogtu ku abloobinHaddaydaan abxado Daafiyo, agab lasii roorinAaran uu libaax gooyey iyo, adhi uu weer laayeyInjir badan lahaatee haddaydaan, dhaaxba u ekaaninAyaxii sunaysnaa haddii, laydinka aqoodoHaddaydaan ilamaha tuurin, oydaan maatada iloobinUbadkiina meeshaa haddaan, lagu agoomayninOydaan naaga uurliyo ka tagin, aabihiin gacaleOoridda qurxoon iyo haddaydaan, inamihii waayinAnagaa aroosiye haddaanay, Macatabkii aasinHaddaanaan qur’aanka u akhriyin, oyna ku islaaminIsticmaarsan maynee haddaanay, waayo na adeecinAshnaaqash taad lahaydeen haddaanaan, Aaminow bixininAagaba haddii aydaan ka tagin, siddii ugaadh fiigtayGeeska Afrikaad iyo haddaydaan, baashan ka irdhoobinAsxaabul-fiil sidoodii haddaanaan, kugu alalaasinWaa haddaan abuurinkayagu, dhab u aloosnayneBuntukh ugub Amxaarooy markaan, kaa afurinaynoAnnaga arrad bay noo tihiyo, barigii iideedeOo waa maalintay noo umuli, guul abeer uhuyeSiddaan oofta kuu kala jaree, adhaxda kuu goynoInaydaan dhaaxo soo oollin baa, loo afbadiyaaye….

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r