- Ma gartoo wixii ila gudboon waan ka gudayaaye
- Hadba kii i gowracahayaan garab istaagaaye
- Godkuu cadowgu ii jeexayaan hoos u galayaaye
- Waxaan gacal wadaagnoo dhanbaan jeel ku gurayaaye
- Guduudkiyo salaadaan u kici goor la jiifsadaye
- ……………………………………………………………
- Gumaystaaha i baabi’inayaan soo gud lee yahaye
- Kolba kii i goygoynayaan guri la seexdaaye
- In uu guuldaraystaan rabaa geestan ii maqane
- Gobonimo ma raaraadiyee waan gambinayaaye
- Oomana gurbaan tumo xornimo inaan gabraartaaye
- Ha yeeshee garaadkaygiibaa guurayoon dagine
- Geestayda weer baa fadhiya goodna way mirane
- Garab maray jidkii aan lahaa o gunbaan ahaye
- Gunti foolxuntaa liidatee gubaya jiidhkayga
- Een ii garaabayn mar qudha iguna guud xeeran
- Ayunbaan intaa ugu garnaqi goboladaydiiye
- Nacas gaado weyn baan ahoon ciddi gargaarayne
- Ray’igana gardoof baan ka ahay goor iyo ayaane
- Mar haddaan waxaa iga gardaran uba garbaynaayo
- Sidee baan gantoob ula sinmaa gaabis baan ahaye
- Gayigaynu lee nahay intuu nacabku gowriiro
- Ee uu gumaystuhu fadhiyo godankan aan joogno
- Anna aan ganaaxnahay waqtigu waa is gurayaaye
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Isticmaarkan gunka ah intuu ii gu’ tirinaayo
- Ee uu goboladaydii nimcada uu ka guranaayo
- Anna aan guhaadaa qabiyo gaajadiyo oonka
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Galaayuuska qaylada intay go’aydu yeedhayso
- Ee uu ganboolayda dumar nacasku gaadaayo
- Anna goodka aan weheshadiyo goodirkiyo cowsha
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Garaadaran amxaaradu intay shacabka guulayso
- Eey geesigii noo kacaba gowrac marinayso
- Anna aan galiilyada qabiyo goodigiyo ciilka
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Goojaamo nimankaa ka yimid ee gandiga moodo
- Gurta bidix intay saydhayaan eey is garab yaaci
- Anna aan garuun ahay la raro goor iyo ayaanba
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Garbo iyo Godey iyo intay Nogob ka geeraari
- Gurdamadu intay igu hardiyo Jarar gadaankeeda
- Anna aan gurbaanada ku tuman Bari gadaashiisa
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Federalka soo galo intay iigu gacan haadin
- Gumaystahan hayaanka ah intuu joogo gurigayga
- Anna uu go’aankaygu yahay dowladnimo gaar ah
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Gurdan culus intay igu dhexmari gaalo dabaqlaydu
- Goonyaha Aawiriyo intay Sagag ka guuxayso
- Anna geeda aan rogahayiyo goonburkiyo ciidka
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Dhulka ginigu noo yaalo iyo gaaska iyo maalku
- Inta ay ka gaariminayaan nimankan gaagaaban
- Anna aan gunbada hoose iyo gabi ka laalaado
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Gacamada iyi jeexa iyo wabiyada guuxa
- Inta uu galaabixi kufrigan Goondhar laga keenay
- Anna gaadhku iga saaran yahay een la guban oonka
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Inta ay gamaarayda baas gogosha ii jiifto
- Gaaduhu intuu ii hadhsado guriga hooskiisa
- Anna aan garaaxaa qabiyo garab ku taaglaynta
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Giinbaaradaa naaxay ee ganacu waynaaday
- Inta ay i guulguulayaan eey i gacan dhaafi
- Anna goolkii aan laadaba iga gadoomaayo
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- War geelayga ii dhaan intay gudub u haaneedi
- Eey gorof u aabaynayaan Xabashi gaaflaydu
- Anna gaawahaygii madhee gudubka loo tuuray
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Inata aan galaydaan tabcaday gaalo raranayso
- Gobol kale intay geysan eey gaadhiyada saari
- Anna goonka aan qodanayeen gowlalaha ruugo
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Inta ay garoonshiidka dhigan Faafan gudaheeda
- Guulaamadaa baas intay igu kor gowriirto
- Anna aan gacmaha laabatay ee gunudka doonyeystay
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Gabagabo colaadeed intuu galowgu yeedhaayo
- Gubnigaa hayaanka ah intay xeesha ila gaadi
- Anna aan gunuunucahayeen goobta madhan joogo
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Guurtaanyada xanuunka leh intaan gocosho ooyaayo
- Gardararda intay igu hayaan guduridaa waalan
- Anna gooxa aan yuurureen guudka ka cadhoobay
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Gunagada Galaadiyo intay Gila huleelayso
- Oo Gaaladu Wardheer iyo intay Caado gocanayso
- Anna aan ka go’ay goor habeen gogol in aan seexdo
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Inta aan gubnoodkiyo fadhiyo guri abaaraadka
- Geedkay intaan leeyahay een gubada siiyo
- Anna aan godkii aakhiriyo geeri filanaayo
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Godobtayda nimankaa qabee guran alaabtayda
- Inta ay gamuuntiyo warmaha galabtii soofaysan
- Anna gudoodiga ku jiro gaadmo waa halise
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Inta ay gartaydii xaqiri xuunsho guluc dheertu
- Diyaaraadka guuxiyi intay gaadhiyada fuuli
- Anna geenyadaydii fadhido waan gulaalnahaye
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Gofanuhu intuu igu cayilay guudka iga saaran
- Inta uu go’aygii huwado guriga ii yaalay
- Anna aan golaha jiifo iyo geela xeradiisa
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Inta ay i igowdhgowdhayaan Xabashi gaagaabtu
- Gaadiid sidiisii intay gibilka ii yuuqi
- Anna aan guhaad ciil ka kicin jeelka gudihiisa
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Guutada wax jaajuusta ee gurata laaluushka
- Inta ay guryaha baadhayaan goor la kala seexday
- Anna aan gadaafada tirsado godobi waa wiishe
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Inta gabigu igu fooraro iyo gowtigiyo goonku
- Gocandhadu intay iga mudmudi gogosha hoosteeda
- Anna garashadaydii luntee geedka lagu laalay
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Xabashidu gun weeyee intay qoolka ila gaadi
- Eey ii gardaad lulahayaan waaga galacdiisa
- Anna aan galuubnahay siddii gabadh lasoo dheelmay
- Gam’i maayo oo waan gilgilan sida galaydhkiiye
- Afartaa gadaan doonayiyo garsho waayeel dheh
- Afar kalana waan gocon hayaaa goor dhow dabadeede
- Mas galaalan good iyo abees jeer gilgilanaysa
- Guduudane shabeel gaarin iyo haramacad guuxaysa
- Wiyil gees la galiyiyo atoor galabtii soo yaacay
- Iyo aar gabdaaniyahayoo guudka ka cadaaday
- Oo eel gudiya yaan arkaa goor habeenimo e
- Afartaa gadaan doonayiyo garsho waayeel dheh
- Afar kalana waan gocon hayaaa goor dhow dabadeede
- ……………………………………………………………………..
- Geeshyahoow labaxay Jowxa ee goonida u taagan
- Gobonimo u didir baynu nahay guudku reer yahaye
- Gaasyahoow lasoo fayliyee goobta wada taagan
- Gaashaandhigii baa tihinn gaadhka loo diraye
- Gayigeena gaalada fadhida ee gafka u joogta
- Waa inaad gumaadaan sidii goosan weer galaye
- Waa inaad gubtaanyiyo badaan geeri xoog badane
- Xabashida go’doonka ah markii gacanta loo qaado
- Gaastariig inay leeftooy gubato weeyaane
- Gobonimo ilaa aan heloon guudka calan saaroi
- Gam’a nooma yaaliyo in aan gogol ku jiifnaaye
- MA gadmado dhulkaan leenahoo garasho waa caan e
- Sumad gooni ah buu leeyahoon idin garwaaqsiine
- Marka horre gabiib weeye iyo guri nugaaleed e
- Gabra iyo galool baa ka baxa geedu waa hodane
- Webi aan go’ayn baa ku yaal gu iyo jiilaale
- Ciid guduudan buu leeyahoon gogol u baahnayne
- Gomoshkiyo xajiintaa ku badan gees la eegaba e
- Geedaha waxaa lagu wadhwadhay hohob guduudeeye
- Gaas iyo batrool baa fadhiya goonyahoo idile
- Gaahaydh iyo caleenbaa ku taal geel unbaa cuniye
- Meeshaad garaacdaba biyuhu waa gal oo buluq e
- Geyigaa nimcadu taalo ee guule ina siiyey
- Ayunbuu gumaystaha lunsani gaadhka ka hayaaye
- Isticmaarka soo guuray ee nagu kor gowriira
- Waxa uu go’aankiisu yahay garate shaaleeye
- Galad kama filayniyi inaan gacal wadaagnaaye
- Nabad loo gabraartaa ma jiro ood ku gama’ daaane
- Umad yahay wax garadkay lahayd gaaladu idlaysay
- Umad yahay gumaysigu rartee gibilka loo yuuqay
- Umad yahay gaftaashii labado aan ka gubanaynin
- Dalka gu’baa u hooray oo geedsan boow baxaye
- Afrikadu waxay gudubtayee ay kawada gooshtay
- Ayunbaad gandoodaa siddii neef la gowracaye
- Adigaa garaad li’i hadhsada meel gasiira ahee
- Guurti yahay hortaydiyo fadhida aniga geeskayga
- Gumaadkuu shacbigu Xabashi gaadhsiisay
- Goobjoogayaal baan ahayn gugan dhexdiisiiye
- Inteebaa nin geesi ah la dilay oo god lagu tuuray
- Meeqaa ganboolayda dumar guudka laga laacay
- Idinkoon ka guban xaajadaa guudka naga saaran
- Oo aan Itoobiya ka gu’in gabi ahaanteedba
- Gobonimo intaad ooha dhahdaan gacashan maysaane
- Isku guda go’aankaan rabniyo guushu way dhalane

Nuuriye
More from BoggasuugaantaMore posts in Boggasuugaanta »
Be First to Comment