Muqdisho — War-saxaafadeed xalay ka soo baxay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in duqeymo cirka ah lagu dilay ilaa 41 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.
NISA waxay sheegtay in duqeymaha dhanka cirka ah ay ka dhaceen deegaannada Boos-Hareeri iyo Jambaluul, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Khamiistii shalay u sheegay warbaahinta dowladda in duqeymo dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu dilay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeymahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ay kula dagaallamayso kooxda Al-Shabaab, xilli uu guluf militari oo xooggan ka socdo gobolka Shabeellaha Dhexe.
Haddaba, maxay tahay kaalinta ay duqeymuhu ka qaadan karaan in Al-Shabaab lagu jebiyo furumaha dagaalka? Su’aashan iyo kuwa kale ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan weydiiyay Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Kaboole), oo ka faallooda arrimaha amniga.

NISA oo sheegtay in duqeyn lagu dilay 41 Al-Shabaab ah
More from GudahaMore posts in Gudaha »
- Madaxweyne Lugatoor oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey garsoorka Puntland.
- Shirkii dowlada iyo mucaaradka oo fashil ku soo dhamaaday, Axmed Madoobe oo ka tagay Muqdisho
- Barlamaanka Somalia oo markale ka doodaya waxka-beddelka dastuurka
- DFS oo mucaaradka ku eedaysay fashilka shirkii Muqdisho.
- Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi





Comments are closed.