Press "Enter" to skip to content

NISA oo burburisay xarumihii khawaarijta ee gobolka jubbaada dhexe

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal bartilmaameed ahaa oo ay ka sameeyeen deegaanka Arabow oo hoostaga Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxa ay ku burburiyeen xarumihii ugu waaweynaa ee Khawaarijtu kasoo abaabuli jireen falalka argagixiso.

Xarumaha howlgalkan lagu burburiyay waxaa ka mid ahaa; xaruntii siyaasadda iyo maamulka, xaruntii diyaarinta Qaraxyada, xafiisyadii marin-habaabinta (Al-kataa’ib), xeradii tababarada maleeshiyaadka iyo dhisme ay deganaayeen Horjoogeyaal qaabilsanaa tababarada, iyada oo inta howlgalku socday sidoo kale halkaas lagu dilay siddeed (8) dhagar-qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Ugu dambayn, howlgalkaan ayaa ku soo dhammaaday si guul ah. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r