Press "Enter" to skip to content

Muxumed Caydiid Cabdi (Eebo-Cadow)

The largest online collection of Somali poetry

  • Magaaladan Wajaale ah maxaa, weerar soo galaya

  • Maxaa ceel wadaameed ka qodan, laga waraab qaato

  • Wadda halaq maxay soo gashaa, webiyo xaaraan ah

  • Maxay tahay waraar lagu dhaciyo, waadi lagu daato

  • Wershad naga qarsoon iyo maxaa, wecel yaqaan jooga

  • Maxaa weriye cadawga u shaqayn, waajirka istaadhi

  • Wakiil Xabashiyeed iyo maxaa, Waarso nin u taagan

  • Maxaa Washington qaar ka yimid, la isku weydaaran

  • Walangoo maxaa ila fadhiya, waramo soofeysan

  • Wacad-qabe basaasiyo maxaa, wali isdhaafaaya

  • Woqooyi xeebaheediyo Galbeed, waxa ka soo buuran

  • Ee waddan xumeysnimo aheen, wali la soo saarin

  • Wafdiyada qarsoodiga ah iyo, wiidada isdhaafi

  • Wareegtada qabiil weyrixina, wah iyo ciil beerka

  • Wasiirada badhkood waxay wadaan, waaxyo kala goyne

  • Waraaqaha sirta ah ey qoraan, wiigba dhan u qaadka

  • Wadaad-xumaha loo dhiibayee, ee laba wajiileeya

  • Wax ka maqan iyada oyna jirin, weyda iyo taaha

  • Wareentada haddaan laga hortagin, waa dhaw iman doonta

  • Wadaadkii qabsaday Shaah markuu, weerarka istaadhay

  • Wadiiqooyinkii Aaytullah, waagi laga keeney

  • Waxdadahan siyaasado wateen, een wali la dhooroofin

  • Wiilashiyo hablaha aan arkee, ee waalidkood duraya

  • Ee iyagu waxaan loo fadhiyin, soo walwaalanaya

  • Waxaa iyo wax kale oo ka daran, oo walbaa jira e

  • Inkastoon waddaniyiin ogahay, waa dhaw qaban doonta

  • Waxyeeladu Soomaaliya intii, ayan ku weynaanin

  • Inaan wadajir looga hortagaa, waajib saw ma aha?

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r