The largest online collection of Somali poetry
Muxubbiyo Kalgacal wuxuu Maxamed allifay May 17, 2002. Wuxuu yidhi.
-
Sidii madharka roobaad -
ama biyaha maagaad -
maankeyga deeqdoo -
manqaxiyo masruurkaan -
Milgooy kugu jeclaadee, -
mooshinkaan higsanayiyo -
mataantii jacaylkaay -
Milgooy midab suhuurleey -
muuqa roobladhaca iyo -
shamso lagu misaalyeey, -
waxaa tahay qof madani ohoo -
cishqigana matali kara -
masdarkaaga oo quraan -
malaayuunna loo hurin -
waxaa tahay mid iga mudan -
muxubbiyo kalgacal badan. -
-
Waxaad igaga mudantahay -
maskaxdiyo halbowlahoo -
waxaan kugu misaalaa -
Milgooy sidii mahiigaan -
mayay loo hanweynaa -
mirtidhexe-habeennimo -
maansheeyay dunidoo -
sii daayay maaxdii -
ama sidii man iyo ubax -
magool iyo dhir dooggeed, -
naftan kuu maqsuuddaan -
Milgooy maalin iyo leyl -
maaweelinaayaa -
mixnaddii jacaylkiyo -
mushkilaadka caashaqaa -
haddana murugo igu fura, -
waxaa tahay mid iga mudan -
muxubbiyo kalgacal badan -
-
Magacaaga waa luul -
mareer karay la moodyeey -
sharaf lagu magoogyeey -
marna kuma illaawinoo -
maskan-kaad ku nooshahey -
ishu milicsaneeysaa -
sidii xarafka miinkaad -
maanka igaga qorantahay -
mahadhadiisa caashaqa -
Milgooy kuguma dhaafeen, -
adoo miyirka iga jecel -
inaan meela kala taga -
malaheygu ma aheyn -
balse waa marxalad qoran, -
marbey mucurti naga hari -
miiraalaha jacaylkana -
mirihii ka soo baxaan -
wada muudsan doonnaa -
macaaneey Insha'allaah -
marwadeydi baad noqon -
waad micigalooleyn -
waxaa tahay mid iga mudan -
muxubbiyo kalgacal badan.



Be First to Comment