- Ogaadeen macaankiyo intii, dhiigii laga miirtay
- Ma dhawayn mas’uulkiyo intay, madax la’aayeen e
- Ma hurihii Qamaan iyo Xarbi baa, ciidda hoos maraye
- Maxamud Cali iyo Raage, way midab qarsoomeen e
- Haddaan Gilingil meel la isku dilay, faras majiiraynin
- Gabalax ma yeeleen waddadan, la iska soo maro ee
- Makhtal iyo haddii Kaahin Muran, xalayto ii muuqday
- Marti kuma ahaadeen cakuye, maanta Dhagax Buur e
- Dhoonya Cab nin maalkiisa dhacay, kuma ag maaleen e
- Magan iyo Guraase oo ku nool, Muugo iyo Laago
- Ninna ma hungureeyeen Qoraxeey, Muxumed Gaasoow e
- Anna waxaan ka muusoon hayaa, tii Magaal Burro e
- Mabda’ uu Xuseen Dalal wataan, maanka ku hayaaye
- Cali Oday ma seexdeen haday, olosho Maandeeq e
- Ciyaan meesha joogin ee Danood, cadow ma maageen e
- Haddiise Muuse Cawl nool yihiyo, Nuur Ugaas Maganba
- Mire iyo Hadduu Joofeey iyo, Cali Junuun muuqdo
- Cabdi Dhuux magli kama dhigeen, ciidan oo maqan e
- Haddaan Fooleey mowd helin arladan, lama malaysteene
- Muxumedkii Ina Suldaan iyo Raflaan, Doolo maamulin e
- Daahir Nuur maroorsigan Wardheer, ma ogolaadeen e
- Anna Muusanowgaygan iyo, meela qaban waaga
- Awalbuu ragaygii madhaye, maba ilmeeyeen e
- Macnahaa Makaytaa arkiyo, Macallin Dhoodaane
- Waa gacan madow yahay ninkii, mayd u qayshada e
- Masdilaagii baa soo hadhay iyo, naag la muran kiiye
- Maararoowga igadaa Siyaadoow, tii Allay mudane
Be First to Comment