Press "Enter" to skip to content

Muqdisho oo berri looga dareerayo codbixinta doorashada goleyaasha deegaanka

Muqdisho(SONNA):-Waxa berri oo khamiis ah 25-ka bisha diseember 2025 magaalada Muqdisho looga dareerayaa doorasho ay dadweynaha gobolka Banaadir ku soo dooranayaan metelayaashooda goleyaasha deegaanka.

Doorashada ayaa berri ka dhici doonta 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir iyadoo tan uga dhigan tahay shacabka Soomaaliyeed fursad ay dib ugu helayaan xuquuqdooda cod bixineed.

Gudidda madaxa Banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa hore ugu dhawaaqay in ay doorashada isu diiwaangeliyeen shacabka gaaraya hal milyan oo qof,halka ururada Siyaasadda ee ka qayb gelayaa yihiin 20 urur Siyaasadeed,gudidda ayaa sidoo kale sheegtay iyadoo wadarta musharaxiinta ka qayb gelaysa doorashada yihiin 1,604 musharax oo u tartamaya goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r