Press "Enter" to skip to content

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka oo ka dooday miisaaniyadda Dowladda 2026

Muqdisho (SONNA): Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa todobaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Guntanka ama kooramka kulanka wadajirka ah oo ku furmay 169-Xildhibaan, ayaa ajendihiisu waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2026, waxaan akhrinta labaad ee warbixinta miisaaniyadda mudanayaasha labada aqal u akhriyey guddoomiye kuxigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi.

Intaasi ka dib, kulanka oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayaa Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka waxa ay su’aalo ku saabsan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, kororka ku yimid iyo meelaha loogu talo galey weydiiyeen mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada aqal in ay soo diyaariyaan akhrinta sedaxaad ee miisaaniyadda iyagoo kusoo daraya dooda iyo aragtiyada Xildhibaanada, dibna Golaha ugu soo celiyaan si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r