Press "Enter" to skip to content

Meeris

Qamaan ayaa in muddo ah aamusay oo hadal laga waayey isagoo ka xun haweenaydiisii oo isaga oo aan dhiman furina lagu sheegay inay reerkoodii i nin kale ku dareen. Haweeneydaa waxaa la odhan jiray Barni. Waxay marka nimankii ilma adeeradii ahaa weydiiyeen Qamaanoow maxaad u aamustay? Wuxuu ku jawaabay tixdan oo ka mid ah gabayadii uu u tiriyey Barni.

  • Lix hal maansadaan tirin lahaa, yaan isaga meershay

  • Mufti culimo sheekh lagu mintido, oo xaq kala miira

  • Oo jeer dhawayd magac lahaa, amase maamuus

  • Masala gaabka maagan ee qarsoon, yaan isaga meershay

  • Anoon mariintideedii dacniyin, meel fogna aan joogin

  • Naag meher qabtaa waa mubaax, macallinkii keenay

  • Dadka maatidaa u kala jirtay oon, muran ka oognayne

  • Haddiise haatan lays kaga maljaday, murug adduunkiiye

  • Muslinoow bal arag xaajadaa, laysku malaq siiyey

  • Maadhiinka buuxa iyo intay, midigtu laabmayso

  • Haddaan midhaha Reer Magan Warfaa, magacu duugoobin

  • Rabbi boow markhaati ah inay, miir la dhici doone

Fadlan nala soo socodsii haddii aad og tahay meel laga heli karo gabaygan oo dhan.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r