Gabaydaa dhex mari jiray nimankii Isaaq iyo Maax Dhagoole waxaa ka mid ahaa mar ay qolo hadal usoo fareen Maax oo ay yidhaahdeen:
-
Sin baneeye bawdkiyo habraha, bari ka sheekeeye
-
Barin goon leh iyo meel banaan, boodhka kala xaadhe
-
Bisqinyaha habaaskii galay, dib uga baandheeye
-
Halkuu baadi doonkii ku helay, boodhka ka afuufe
-
…
Markaa ayuu Maaxna u caliyey:
-
Kalya cune kalluun xadhig ku dabe, kuudud qumayaale
-
Muslinka oo karuurkiisa dhama, kiishad madhan hayste
-
Koran xabagi oofaha jartiyo, nirig kabaalayste
-
Kub habaasle waagii barayaba, kadinka taagnaade
-
Meeshiyo kaxdii Dhoobo Weyn, kolay la meerayste
-
Wax karkariye dheef laga kibriyo, madaxyo kiikayste
-
Kuraantiyo intuu madaxa cuno, kalalax maadoole
-
Kanbal reer intuu yuurursado, meel xun kamandhuudhe
-
Siddii nirig kaliilada lahaa oo, hal loo kiciyey
-
Kamiintii hunguri buu qabaa, kadan lasoo roorye
-
Kayntaa markii uu u baxo ee, ka kale doonto
-
Kunkii la cadcadaab ma u eg yahay, kadaf godkii waayey
-
…
Gabayada Maax ee kale bal soo raadi.
Be First to Comment