Press "Enter" to skip to content

Maxamed Cabdiqaadir Daa’uud

The largest online collection of Somali poetry

Maxamad Cabdiqaadir Daa’uud oo caan ku ah [Stanza] wuxuu ku dhashay magaalada Kismaayo ee Gobolka Dooxada Jubba ee dalka Soomaaliya August 1977. Wuxuu ku barbaaray isla gobolkaas iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Gado. Dabayaaqadii 1986 ayuu Maxamed u kicitimay dalka Kenya isagoo waxbarasho iyo cilmi doon ah. Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayuu tacliinta dugsiga sare ku qaatay. Ka dib markii uu gabagabeeyey tacliintii dugsiga sare wuxuu Maxamed u jeedladay dhinacaa iyo Suudaan. Haatan wuxuu jaamacad ka dhigtaa magaalada Khartoum, Sudan.

Wuxuu is siman oo darandoori ah ugu hadlaa waxna ugu qoraa Maxamed luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Sawaaxiliga, Igiriisiga, iyo Faranjigaba. Wuxuu bare ka ahaan jiray AL-Azhar Private School of Languages oo ku yaalay magaalada Garissa ee xarunta Gobolka Waqooyi Bari.

Abwaankan oo ah abwaan aad u da’ yar kuna falan curinta suugaanta noocyadeeda oo dhan wuxuu bilaabay inuu halabuuro isagoo gaban ah oo wali ku jira dugsiga Hoose/Dhexe. Waalidkii oo ka gawsqabsaday inay maqlaan yaraankoodii oo fagaarayaasha laga dhagaysanayo ayaa waxay ku kaliftay inuu oodda u rogo ilaa uu ka hanaqaado. Mase moogaan jirin inuu heeso jacayl ah oo badan sameeyo si uu u maaweeliyo asxaabtiisa aroosyadana xiiso badan u galiyo.

Markii uu 19 jirsaday ayuu haddaba Maxamed muujiyey kartidiisa mu’allifnimo oo uu xikmad badan oo uu hortaagnaa oodda ka rogay. Haddaba, Maxamed oo wali aaminsan in halabuurnimadiisu la kobci doonto garaadkiisa, tacliintiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba ayaa noogu deeqay suugaanta aan kusoo bandhignay boggan. Riix kolba kii aad doonto.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r