The largest online collection of Somali poetry
-
Irdhaa galay raggii Weerarow, idinku oodnaaye
-
Afartaa garyahan bay qabteen, sida ugaadheede
-
Abtirsiinyadii geedka iyo, anafadii joogtey
-
U adkeysan meynaa la yidhi, aabbe yuu dhalaye
-
Laba Muuse ubaxii cuntoo, aaran baa hadhaye
-
Haddaan abaar lagu salidin, kama imaadeene
-
Udubkayga kama soo rareen, Eexo iyo Cayne
-
Agoonta ooma keeneen raggii, aabbahood dilaye
-
Isaxaaq wuxuu ununufaa, uur-ku-taallade
-
Bal eegoo afmeer bay galbeed, uga arooraane
-
Markay idin arkaan geelashaa, uubka loo ridiye
-
Awal raace MuuseCabdallana, odayadoodiiye
-
Waa aawadiin waxa ku furey, Awdal iyo Sheekhe
-
Hadduu gu’gu Aboorrey ka da’o, ma arki doontaane
-
Bah-dhulbahante ubaxaa ka badan, eedda loo dhimaye
-
Inta ooryahoodi laga qaaday baan, la ashqaraaraaye
-
Maxaa inan adhxaha lagaga jabay, aabi lagu toogtay
-
Waxay Ededan ugu meerayaan, amase Oodweyne
-
Allaa igu oge kuma aaminsana, laba ayaamoode
-
Ayaan kaliya waa tii Gunbuur, oodda loo rogaye
-
Axmaarana sidaa Reer Cigaal, uma ataakteene
-
Nimankii ajalay baad tihiin, Aw-Cabdiyo Nuure
-
Illaa ay dhawaan urursadeen, awr ma soo tu’ine
-
Afgubato sidii Reer Xuseen, loogu wada aasay
-
Indhahay ka meermeeriyaan, urur aad joogtaane
-
Hadduu inan ka hadho iga walleyn, idin illaaweyne
-
Ugaadh Cumar sidey uga qaxeen, awrta Reer Sugulle
-
Ergo laguma siin geelashaad wada afuufteene
-
Waxay unufka ugu meerayaan, uur ku taallada e
-
Iddaraysna waa kuwaa, sikaday ugubadoodiiye
-
Abokor iyo Rooble waad, ku adyadooteene
-
Bal maxay u aaneynayeen, odaygi Ceel Beyle
-
Afka Boqorle iyo Tuuyo iyo, idhamadaa Baarcad
-
Sidi adhi tadcaareed raggii, laguu idleynaayey
-
Iman meyso Habar-yoonistaad, u alwaneysaane
-
Ooho kuma xasilo geel haddii, aar u soo dhaco e
-
Arrinkaad waddaan Reer Xirsow, aayatiin ma lehe
-
Eebada shisheeyuhuba, way idin asqaysiine
-
Iman mayso Habar-Yoonistaad, u alwanaysaane
-
Ammaana Alla waydiin bannaan, labada oofoode
Be First to Comment