Press "Enter" to skip to content

Mashruuca afurinta dadka danyarta ah oo Muqdisho lagu soo gunaanaday

Muqdisho.SONNA…Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha bini’aadanimada oo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay mashruuca afurinta dadka soo barakacay iyo kuwa liita ee ku sugan deegaanada Gobolka Banaadir.

Mashruucan oo si ballaaran looga fuliyay Gobolka Banaadir, ayaa lagu gaarsiiyay gargaarka kumannaan qoys oo danyar ah iyo barakacayaal ku kala sugan deegaanno iyo xarumo kala duwan. Goobaha la gaarsiiyay waxaa ka mid ah xeryaha barakacayaasha, ceelasha biyaha, iyo deegaannada Lafoole iyo Afgooye, halkaas oo baahi weyn laga dareemayay.

Sidoo kale, gargaarka ayaa si gaar ah loo gaarsiiyay xarumaha lagu xanaaneeyo agoonta ee magaalada Muqdisho, iyo bukaannada ku jira Isbitaalka Martini, si loo hubiyo in dhammaan dadka nugul ay helaan taageerada ay u baahan yihiin ka hor munaasabadda Ciidul Fitriga.

Mashruucan ayaa si weyn uga qeyb qaatay yareynta culayska nololeed ee qoysaska danyarta ah, gaar ahaan xilli ay jirto xaalad adag oo ay sababeen abaaraha soo noqnoqday iyo kororka barakaca, taasoo sii xoojisay baahida loo qabo gurmad degdeg ah.

Hay’adda Al-Mahasin Foundation ayaa sheegtay in mashruuca loo fuliyay si hufan oo nidaamsan, iyadoo lala kaashaday hay’adaha maxalliga ah iyo guddiyada bulshada, si loo xaqiijiyo in gargaarka uu gaaro dadka mudan waqtigii loogu talagalay ee Zakaatul Fitriga.

Ugu dambeyn, mashruucani waxa uu markale muujinayaa doorka muhiimka ah ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada ay ka qaadato taageerada dadka Soomaaliyeed, iyo xoojinta isku duubnida iyo is-gargaarka bulshada, gaar ahaan xilliyada adag iyo munaasabadaha diimeed.

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r