Gabaygiisii Murdud Reebe wuxuu Maxamed ku tilmaamay inaan geeljire aaro u noqon karin raggii Dhulbahante ee dhawrka ahaa ee Habar Yoonis laysay.
Haddaba, xilli ku aadan 1948kii ayaa Ingiriisku shir u qabtay dhammaan degaanadii Soomaaliyeed ee xukunkiisii ku hoos jiray si uu u damiyo colaado u dhexeeyey qabaa’ilka Soomaaliyeed ee degaankaa ku dhaqan. Shirkaa waxaa isugu yimid hoggaan-dhaqameedyo badan oo ka kala socday, Ogaadeen, Dhulbahante, Isaaq iyo Warsangali. Waxaa ka mid ahaa ragga madashaa yimid Maxamed Cumar Dage oo ay gabayadiisii hore Dhulbahante gaadheen hase yeeshee ay qoonsadeen, halkii uu filayey hanbalyo iyo salaanna wax ka duwan oo uusan jeclaysan la soo gaadhsiiyey.
Sida la wariyey, waxaa dhinaca Dhulbahante laga keenay hadal dhammaadkiisu ahaa “Rag waanu laynay ee si kale ayuu Maxamed Cumar noo xistiyayaa oo uu libinta aan soo hoyinay uu u sheegi la’ayahay.” Hadalkaa ayaa Maxamed Cumar Dage dhibay oo hiil iyo abaabulkiisii uu qaadan waayey in wanaag mooyee wax kale loogu badalo. Haddaba, shirkii ayuu ka dhex kacay, faraskiisii suugaanta jeedladay.
Wuxuu Dhulbahante ku dhalliilay in guubaabadiisii diirin weyday, gabayadiisiina ay qoonsadeen, intii ay ka dhiidhiyi lahaayeen dulliga haysta. Sidaa haddii ay tahay, wuxuu gabayguba mudan yahay in oodda loo rogo maxaa yeelay wax wanaag ah oo laga gaadhayaa ma jiro, ayuu ku dooday. Maxamed wuxuu doodiisa u gudbiyey Daaroodka kale. Mar haddii Dhulbahante is dhaqaajin waayey, raggoodii u aari waayey, dhulkiisiina dhacsan waayey, waa in loo gacan dhaafaa oo Habar Yoonis rag maqaawiir ah laga laayaa, ayuu wax ku guubaabiyey. Harti ayuu si gooni ah ugu xil saaray aaraha raggii xulka ahaa ee Dhulbahante laga laayey. Wuxuu yidhi:
-
Mudaakarada geeraar hadday, mucurto kuu gayso
-
Marxalkaad u shegtiyo haddii, marinkii loo diido
-
Kol haddaad masaladaad tidhaa, loo miyirin waayo
-
Adoo maray Lillaahida haddii, eexo lagu moodo
-
Miyirdiin hadduu kugu qabsado, maansadaad tirisay
-
Murti iyo martabo loo xishiyo, muuno laga waaye
-
Murdud Reebe gabaygaan kal horre, uunka maqashiiyey
-
Een midhaha Daarood dhex dhigay, mucurtiduu reebay
-
Ee muunsanoowgiyo ahaa, hiil u mara xoorka
-
Een muqadimiintii la jaray, ugu muraaqooday
-
Gabaygaan Hartiga maaxiyiyo, Mudug raggii joogay
-
Gabaygaan u maakibay in loo, mudo masaalkooda
-
Martaan xidhanay Habar Yoonistii, murunku noo yiilay
-
Niman madaxyo weyn ahoo, muhindisoonaaya
-
Anigoo Macbuudbaw hayee, malag la doonaaya
-
Gabaygaan magaalada lahaa, meyd halaga qaado
-
Abtir lagama maydhiyo nimaad, mini wadaagtaane
-
Ficil waa musiibee intaan, gibil madoobaaday
-
Lagu maadsay goortaan lahaa, waa la murugoone
-
Gabaygaan manaabada lahaa, maqan ku raadcayso
-
Raggii aaro looguma maqnoo, waaba loomarag e
-
Malahay khasaaryeey sideen, ugu muraad seegay
-
Inay midigta qaadaan lawaa, miidha Habarwaaye
-
Milgihii Shirshooraan sugayn, muuno duul gob ahe
-
Mulkigii Garaad Faaraxoow, idinka maaroowye
-
Dadku magaca waw wada jiray, midhaha Daarood e
-
Jifadaase lala maadhi jiray, maydh la oloshaaye
-
Wax maqaanihii la gala baxay, maanta Reer Hagar e
-
Inuu miilo gabay Reer Cameey, maqal Ogaadeen e
-
Marwo jabbe markii lagu jarriyo, murankii qoolabe
-
Milgo xumo Bah Dahabaan lahaa, milicsan maayaane
-
Maxamuud Gureey iyo Bilow, malihii beenoowye
-
Mara-wenyta Reer Faaraxoow, deyse murankiiye
-
Mayal-qabad ka dhimay Reer Cigaal, meel uu joogaba e
-
Reer Maxamed muuniyo ka samir, magac wanaagiiye
-
Haweenkuba martoo laga furooy, mahad ku sheegtaane
-
Macbuudkii abuuriyo siddaa, Maalligow galaye
-
Wax la mid ah qabiil magag ahoo, miidha qaayibaye
-
Laga maarsay laba Muuse iyo, mohosho Reer Cawle
-
…
-
Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane
-
Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne
-
Kuwii ficilka maamuli ogaa, wada muhiibsiiya
-
Maxamuud Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa
-
Bal in ay dhabliga meeriyaan, aad u maqashiiya
Be First to Comment