Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay falanqeyn ku aaddan kaalinta ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah ATMIS oo ay Soomaaliya ku dhawaaqday in ciidanka Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM loo soo gaabiyo. Barnaamijka waxaa marti ku ah Professor Sonkor Geyre, Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ahna khabiir arrimaha amniga iyo difaaca ah. Barnaamijka waxaa soo saaray soona jeedinaya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.
Comments are closed.