The largest online collection of Somali poetry
- Maahmaahdu siday tidhi Malkadiyo kuguma simo Mantag meel aad dooniye Muujis iyo maqaarsaar Maskax noqotay maydhaan Mihintiyo u mohoshada Maag iyo ismoodsiis Murti macanjilaysaa Isku maranee ma og tahay Markay jilib cariyo garri U dambays maxkamad tahay Maqaawiir ka talisiyo Xeerbeegti loo madhay Mudac iyo mudac calayhi Milladiyo markhaatiga La miisaamay hadalkaa Ku cadaysa madal oo Miidaan ku toosnaa Waa in lagu maqiiqooy Kala miirdilaacdee War xaajadu mug weynaa Tu lamid ah masaladaa Masaalkii aan mariyee Miyirdiinka waayaha Iyo macangagnimadaa Muuqataa su’aalahan Iga soo malmalayee Weedh lagu margadiyo Maroor iyo afxuma iyo Waxaan meesha la ekayn Maansadaydu ma ahee Mindi mindi ku taagiyo Maldahiyo sarbeebiyo Madhoodhiyo jawaabaha Muranba howgu talagalin Ka ilaali murugana Magowdaye su’aal hoo Muqdishiyo Hargaysiyo Magaalooyin ula mid ah Dadkanagaa kuwada maqan Imisaa mulkiiliyo Xamar madax u talisiyo Mudaniyo wadani ku ah? Imisaa miskiiniyo Mucsur iyo ajnabi iyo Martinimiyo laaji ah? Masagiyo in shuura ah Kuwa loo mitamiyee Qaxooti baan masruufnaa Mana sheegad lagu daray Imisaa madluun ahoo Meehanowda suuqyada Masawiraa aduunkuna? Marka ay siddaa tahay Umaddaa meel kawada timid Sidee mudane sharafliyo Martida looga kala dhigay? Macnihiyo ujeedada Hoos ma loo miliilicay? Tan maraye mid kale qabo Maan gaab wareeriyo Haddii reer miyiga iyo Manfac doonka laga tago Waxaan maansadaydaa Maqashii is leeyahay Amaan meeda ku hayaa Waa mutacaliminta ee Muxuu labadan magaceen Layskuba macnayn karin Makrigiinu ku aqbalay? Miyaan wali mushkiladaa Hoosba loo miliilicin? Meertada lasoco kale Muda hore dhulkiisii Muudaha isaga tagay Ee mushaar xuduud kale Waligiiba ka miistaa Muraad kiis ah mooyee Wadan uu ka maqan yahay Ma maqoorad cidi odhan? Maysagaa matali kara? Miyaan wali mushkiladaa Hoosba loo miliilicin? Markuuse taa macaamilay Wuu mala habaabaye Sidaa yowgu macallin ah? Masiibooyinkaa iyo Mindi raacisnimadaa Ma moog yahay Maxaa-Wacay? Ama yaa macaansaday? Mindhaa meher xadbaa jira Maansadaydu waa rune Tan marshaye mid kale hoo Maamuusta aadmiga Lagu kala mastuursado Malafsiga xadgudubkiyo Mustalaabid ma ogola Mar hadday siddaa tahay Dadka magane xeerkii Kala madhayey dunidaba Minute minute u jabiyoow Marsadaad dagaysaan Mamnuuc ma aha kiinuye Inaynoo mubaax tahay Ma og tahay masaladaaa? Gafka miidhan waligiiba Midka meherad moodoow Magligiyo qaloocuba Hadduu malab idiin yahay Nooma aha anana milix Gaf in lagu macaamilo Sharci idiinku marag fura Mahaysaan aan maqalnee? Muluh malah bilaash ahi Cidna kama maraysee Haddaad maya jawaabahan Kala maarmi waydaan Miyigiyo dadwaynaha Madaxdiina sarre iyo Mas’uul baan idiin nahay Maalkoodi lagu cuno Kii madaq sanaayoow Musuqmaasuqnimadaa Kaa muuqan doontee Mardabaaloow inaad tahay Sow markhaati kama tihid
Be First to Comment