Press "Enter" to skip to content

Makayte

Waa gabaygii 3aad ee uu Makayte ku lahaa Silsiladda Daarood ku Fuul. Hordhaca gabayga dhawaan baanu soo gudbin doonaa. La socosho wanaagsan.

Wuxuu yidhi Makayte:

  • Indhawayd ha kama aanan tirin, hooyalaay gabaye

  • Ma habaynin maansooyinkii, ugu haboonaaye

  • Hurdiyo jiifna kama dooran iyo, shax iyo huuhaaye

  • Hubsiinaan ku jiray meeshiyo, hogashii Deyreede

  • Hugta iyo higtii iyo markay, hiririgtii yeedhay
  • Agow kama hadhine guushanaan, sugayey Heyboow e
  • Ma halmaamin Hoodow sidaad, iila hadasheene
  • Tixdaad hore u fileyseen hadday, ii haboon tahay
  • Sidii aar intuu hayba dilay, laabta ka higgooday
  • Hinfidhka iyo reenka iga bixi, fulaygu hayn waaye
  • Hubkaan tuurayaa waa gantaal, cadow ku hoobtaaye
  • Waa hola hanfiyo waa dabayl, Hoobiyoo kale e
  • Sina ugama hibaysan karo, hoori soo ciyeye
  • Hal-abuurka geeraar haddaan, hogo tusaaleeyo
  • Haramaanyo beertaba haddaan, daaqa laga haamin
  • Hagaag uma baxdoo waxaa la hadhaha, geedka hoos gale
  • Suugaantuna habkay leedahay baa, loo hawadiyaaye
  • Sidii nimaan habayn hore maqloo, hoobaale ku hadaaqay
  • Layskama hantaataco, sidii hiliblihii jaane
  • Walba anigu haadaa dhac iyo, hawti ma aqaane
  • Mawjadaha hoosiyo dhexiyo, heer saraa jira e
  • War waa hirarka dhaadheer kuwaan, ka hadli doonaaye
  • Hakadkiyo haddaan seetadiyo, heegii jarayaaye
  • Sidii samo hilaacdiyo cirkoo, hogol daruureeyey
  • Oo heegadu sii dhaaftayoo, hibitiqlaynaaya
  • Hanqadhkiyo haddaan hoorimaad, haw lasoo idhiye
  • Maantayna hareerna u baxayn, Habar Magaadlaye
  • Kol haddii hamigii Ciidagale, haystay lagu beenshey
  • ,,,,,,, gabay ah waa inaan tirshoon, hadiyad geeyaaye
  • Iga hooya caawoo kaluu, haybad leeyahaye
  • Afartaa ha’iyo waw kordhaban, hilin ma qaadsiiyey
  • Halhalowga iiguma baxdee, ma u halaanbeeyay
  • Hanaankii Qamaan iyo siddii, hebelo maw sheegay
  • Heleeleey haddeer iyo waqtiga, haatan waxa jooga
  • Bal aan idinku haasiwiyee, dhagaha hoogaansha
  • Warka Hara Digeed iyo ka yimid, hogodkii Gaaroodi
  • Ee haatufkiyo ii waramay, haadka lalayaayi
  • Ee xalay habeenkoo badh tegay, laygu soo hoyiyey
  • Ee hiijadii aan qabiyo, hiiftii iga reebay
  • Ee hubanti loo sheegay ee, heerka sare gaadhay
  • Ee hogoshkii Iidoor ahaa, haanka lagu gooyey
  • Ee hooriflihii oomanaa, hoognay kaga siiyey
  • Warka la hufay ee haadsan, een helay ninkii keenay
  • Wax la hubo inuu yahay markuu, igula haasaaway
  • Hanbalyaan u diray Reer Isaaq, hadiyad waayeele
  • Allaylehe habkii aan la rabay, waw hawadiyeene
  • Allaylehe inay hawl la rabay, noo hirgaliyeene
  • Allaylehe hanna lama rabee, heer libaax gala e??
  • Allaylehe horseed bay noqdeen, hanadadaydiiye
  • Allaylehe hantiye Goosaygay, hor u lahaayeene
  • Allaylehe horweynkiyo ku dhece, halab irmaanayde
  • Allaylehe haleeladii dhashaa, haama loo culaye
  • Allaylehe kuwii hor u lahaa, haatan laga qaadye
  • Dagaallaguma horjoogsan karo, labada haaroode
  • Allaylehe mid lagu hoobtay bay, ku hidiwaaleene
  • Hujuun iyo kolkay weerar iyo, kala hufaay gaadho
  • Abidkoo qabiil ay heleen, dib uma heelayne
  • Hiddiyo dhaqanba waa loo yaqaan, haybka aan nahaye
  • Horraysiyo dhacdaba goob dagaal, kuma hungoobaane
  • Allaylehe hammigii Ciidagale, haystay been noqoye
  • Afartaa ha’iyo waw kordhaban, hilin ma qaadsiiyey
  • Halhalowga iiguma baxdee, ma u halaanbeeyay
  • Hanaankii Qamaan iyo siddii, hebelo maw sheegay
  • Heleeleey haddeer iyo waqtiga, haatan waxa jooga
  • Bal aan idinku haasiwiyee, dhagaha hoogaansha
  • Cabdi Ciisihii heesi jiray, heybadiyo faanka
  • Tacshiirtii horree la huwiyeey, kala halaabeene
  • Baasuukihii hamug ku yidhi, heey ka wada tuurye
  • Hog dhurwaa nafbaa tii badeey, kaga huleeleene??
  • Ciidgalaha hoos uga yar bay, u hanqal taagaane
  • Hanjabaad wax kaga qaadayaan, kuna huruufaane
  • Haddaan ka hor nimaad waxay noqdaan, haydhaf taag darane
  • Hangal bay xidheen naagihii, horinta Guuyoowe
  • Huqdi iyo calool xumo u dhimay, baaqigaw hadhaye
  • Horaa loo gumaystaye maxaa, halista keenaayey
  • Nin halkaa ……… iyo, wiil u hanaqaada???????
  • Halyeygiyo waxaa geesigiyo, hanadadaw diiday
  • Cabdi Ciise unbaa handaday, oo halkaas dhigaye
  • Wankii lagu hor gawracay, ninkii hoosta ka xariiqay
  • Ee yidhi kan haysoo mid kale, hore usoo qaada
  • Ee sooryadoodii hufnayd, hilib carooleeyey
  • Siday maanta ugu hiiliyeen, waa habnaba seege!
  • Hulunbaaga baa hadamasha iyo, huubadii ururtay??
  • Hadhcad maalintii laysku riday, hollaca Aakeega
  • Halhayskoodu waa kuu ahaa, dee hayaay jabaye
  • Miyaan kaga hadhaayaa barraan, heego soo kicine
  • Gaashaanbuurtii way kala hadfeen, waana kala haybe
  • Hareeraha markii laga maree, hugun ku soo beegmay
  • Siddii Kadaf hoggii waayey bay, u hanqaraafeene
  • Huyucsane hadh joogsaa la yidhi, higil jabkoodiiye
  • Miyaan kaga hadhaayaa barraan, heego soo kicine
  • Hala waxaan u diray Reer Gobdoon, hoog Allow dayaye
  • Heer foolxun bay soo mareen, oo hanaan darane
  • Humaatiyo dhibaatay qabeen, hoos-ka-tuur badane
  • Anigoon hafrayn Ina Gahayr, hadaladuu sheegay
  • Hilayga iyo markuu heeryadiyo, haamo idin saaray
  • Horweynkiyo irmaankiyo markuu, halihii kaa qaatay
  • Higladii balaadh iyo bankaad, uga hayaanteene
  • Haddaba ma joogteene waad, hoyan lahaydeene
  • Hanfafkiiba kama aad bogsoon, boogihii hore e
  • Hanabadiyo agoontii maxaa, hadiyo kaa geeyay?
  • Hadaladii Gahaydh iyo maxaad, hawshii ku ilowday?
  • Afartaa ha’iyo waw kordhaban, hilin ma qaadsiiyey
  • Halhalowga iiguma baxdee, ma u halaanbeeyay
  • Hanaankii Qamaan iyo siddii, hebelo maw sheegay
  • Heleeleey haddeer iyo waqtiga, haatan waxa jooga
  • Bal aan idinku haasiwiyee, dhagaha hoogaansha
  • Walow hadafkii guud ee burburay, lagu heshiis qaatay
  • Oon hoos dhaqaalaha ognahay, heerka bixinaaya
  • Bal haddana hubsiinaa la yidhi, hal iyo neefsiiye
  • Heeriga Isaaq waa inaan, kala hanbeeyaaye
  • Habar Awasha iyo Arabba ways, hilib naqaanaaye
  • Hawaar iyo huruuf nama dhex yaal, oo kalgacal waysu hugunaaye
  • Haweenkiyo safraha kama dhacaan, halabadoodiiye
  • Hillimada intay joogsadaan, ma harkawaaxaane
  • Huudheeda iyo dharkii kama furtaan, hooyo socotayne
  • Habwanaagsan bay ula dhaqmaan, ruux hoyaatin ahe
  • Iyaguna hadday ka cabayaan, horadii Ooyoode
  • Oo ay heeshigii Bulaaliyo nimcadii, ka hirqanaayaane
  • Ninna ma hungureeyoo ma dhaco, maganta hoostaale
  • Heshiis baan ku nahay nabadda guud, labada haamoode
  • Huuhaadan Reer Ciidgale waa, huf iyo beene
  • Sidiinaba hunguri waalan iyo, hadadaf mooyaane
  • Hayaay qaylo buuq iyo nacaad, huriso mooyaane
  • Harkaha iibintoodiyo dilaal, habacsan mooyaane
  • Hilib inaad qashaan iyo, huteel karintii mooyaane
  • Habla siisayaa iyo si kale, ula heshiisaaba
  • Amxaarada inaad hoos gashaan, hanaqa mooyaane
  • Hanaan gobonimiyo sharafba, waad ka hiddo guurteene
  • Bal waayahay adunbaa ku hadhay, meel habaas badane
  • Hungurigu wad ma arkaa la yidhi, haddimo mooyaane
  • Habar Yoonis iyo Habar Jeclaa, hoday naftiiniiye
  • Iyaba guul ma haysanee aday, ku hadidaayeene
  • Haye unbaad tidhaahdeen waxbaa, la iska hubiyaaye
  • Hogbay kugu tuureen libaax, soo hamaamsadaye
  • Wax idiin hantiya waa caqligii, hoos u fooraraye
  • Waa kaad Bullaalaan ku hori, ku hamiyeyseene
  • Idinkoo higaariyo dhibkiyo, hilaygii soo qaatay
  • Waa taad harada soo degteen, goor habaynimo e
  • Hab wanaagsan Reer Fiqi Cigaal, holoc ku leefsiiye
  • Reer Cumar qudhaad ku hafateen, kuna hungowdeene
  • Haweenkaba qaar sida hubkay, kaala hadhayeene
  • Wacaysbaa ku heemaarsadayoo, haadda kuu wadhaye
  • Hoobiyaha Bahaa kaaga riday, meel hareerta ahe
  • Hayrabkiyo markii Faysalkii, huray lasoo dhaafo
  • Ee Caliyo Haaruunba yimid, hoorin mahaysaane
  • Haad baad rabteen inaad biyaha, ka haqab beeshaane
  • Herdi kulul markii Reer Isaaq, hoosta kuu galiyey
  • Idinkoo hamuuntii qabaad, ka hududuusheene
  • Dhaawaca halkaad kaga tagteen, holoqii baa yaale
  • Halac Dheere sarartiisii buu, Dacawgu hiigaaye
  • Hororkiyo Waraabuhu ka dhereg, hilib rag waaweyne
  • War taariikhdu waa huban haddii, aan cidi hilmaamayne
  • Hud-hudka iyo beenaalihii Qadar, kasoo heesay
  • Hargayseey baqihii reer tolkaa, horay u dhaafeen dheh
  • Heyhaata waa kii ku lumay, habaqlihiinii dheh
  • Is haaraamis baad goor la jabay, dib isu hiifteen dheh
  • Habarwacasho nabar kugu dhacaa, kaaga hadhi waa dheh
  • In kastooy halaagmeen kuwii, had iyo mowd keenay
  • Oo ay habraha oohintii, hibitiqlaynayso
  • Wali heerkii aan rabay waxbaa, kaaga sii hadhay dheh
  • Hoorimaad yar baa idinku helay, meel hadoodila ahe
  • Heelkii Nogbeed iyo Godey, Herer kuwii yaalay
  • Ama NFD ku hadhsanaa, amase Haadaamo
  • Halooyo taarkaan u diray, haatan wada gaadhye
  • Ogaadeen Hundiyo Faafan iyo, Hilo kasoo guurye
  • Hilaac la mood wakaa soo socdoo, la is hortaagayne??
  • Lafaruug habkaad ugu jabteen, halisba ma ahayne
  • Maantaynaan hareerna u baxayn, Reer Hugaadhsane e
  • Nabad uu hogaankeedii go’ay, haw hiloobina e!
  • Heshiis hayga filan inaan, colaad huriyo mooyaane

Be First to Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Follow Wargeys TV on facebook

Kala soco wararka oo dhan


This will close in 30 seconds

T a a g e e r